Badhasaabka Gobolka Saaxil, Maxamuud Cali Maxamuud Saleebaan, Maayarka Degmada Berbera Cabdalle Maxamed Carab, Xoghayaha Dawladda Hoose Cali Maxamed, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille, Xildhibaan Aadan Xaaji Diiriye Dirir, Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire,
Wasiirka Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire, La-taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca ciidanka Saleebaan Cumar-ku-joog, Agaasimaha biritikoolka Madaxtooyadda Maxamed Cimi Aadan (Ilkacase) , Agaasimaha wasaaradda deegaanka Maxamed Faarax iyo Agaasimaha Wasaaradda Kalluumaysiga Cabdiraxmaan Cawil XasanDhammaan masuulliyiinta iyo xildhibaannada kor ku qorani waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, ehladii iyo asxaabtii uu ka geeriyoodey Marxuum Saleebaan Cali Kooshin,oo maanta 14 Sep 2011, lagu aasay Hargeysa, gaar ahaan waxay tacsidan gaadhsiinayaan Suldaan Cusmaan Suldaan Cali Kooshin.
Waxay Ilaahay uga baryayaan Marxuumka inuu naxariistii janno ka waraabiyo. Aamiin Aamiin