Boosaaso (Araweelo News Network) Maamul-goboleedka Soomaalia ee Puntland, ayaa xalay saqdii dhexe duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari duleedkeeda dil toogasho ah ku fuliyey 13 qof oo isugu jira 12 Nin iyo Ruux Dumar ah oo hore ay Maxkamaddi ugu xukuntay dil, ka dib markii lagu eedeeyay sannadkii hore inay

 

ku caddaatay kooxdaa in ay ka tirsan yihiin Xarakadda Al-Shabaab.

Duleedka magaalada Boosaaso ayey   Ciidammada maamulka Puntland ku toogteen 13-qof o ay ku jirtay haweeney, kuwaas oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab, qaarkoodna lagu helay inay ka dambeeyeen dilkii dhammamadkii 2011 loogu geystay Boosaaso, Dr. Axmed Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa Culummada Puntland.  Dhallinyarada la toogtay ayaa qaarkood waxay Maxkamadda Ciidammadu ku ridday xukunno dil ah, iyadoo kuwa kalena la sheegay inaan wax xukunno ah lagu ridin, waxana goobta ay toogashadu ka dhacday ku sugnaa Saraakiil ka tisran Ciidammada Puntland. Warbaahinta ayaa loo diiday inay goobta tagaan, waxaana ammaanka goobta sugayay Ciidammo ka tirsan kuwa Millateriga iyo Badda ee Maamulka Puntland, iyadoo toogashadu ay ku dhacday si saf-mar ah. Dadka la toogtay ee lagu eedeeyay inay Al-shabaab ka tirsanaayeen, kuwaas oo qirtay inay ka dambeeyeen dilkii Dr. Axmed Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa kala ahaa: Axmed Maxamed Cali oo 18-jir ahaa, Maxamed Abshir Cartan oo 20-jir ahaa, Cabdiraxmaan Maxamed Cali oo 28-jir ahaa,  Cabdiqani Nuur Maxamed (Qorane) oo 23-jir ahaa, Ruqiya Xasan Maxamed Yuusuf oo 25-jir ahayd iyo   Maxamed Maxamuud Saacadoole oo aan da’diisa la sheegin.

Saraakiisha Puntland ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan dilkan oo ahaa kii ugu tirada badnaa oo uu fuliyo maamulka Puntland tan iyo markii la dhisay maamulkaas 15-sano ka hor.

Qaar ka mid ah dadka Magaalada Boosaaso oo sababo dhinaca amaanka ah u qariyay  magacyadooda ayaa  warbaahinta u sheegay in habeen hore  lagala baxay dadkaa xabsiga magaalada Boosaaso, isla markaana  shalay subax   si saf-ballaadhan ah loogu toogtay duleedka magaalada Boosaaso, balse warar kale ayaa sheegaya in dadka la toogtay Heebnimadii markii xabsiga lagala baxay, iyadoo laga cabsi qabay in arrintaa uu buuq ka dhasho.

Dhinaca kale qaar ka mid ah Odaasha dhaqanka ee Ehelada dadkaa oo ku sugan deegaanka Geddo ayaa hore u canbaareeyay xukunka dadkaa qaarkood waxayna ku doodeen in ay ku jiraan Caruur waxbarsho u joogay Garoowe. sidaa awgeed waxay ugu baaqeen maamulka Puntland in aanay fulin xukunka Maxkamadda oo ay dib u eegaan xukunka.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *