DirirHargeysa(Arraweelo News)Xukuumadda Somaliland ayaa Baaxaa-degga Qiimaha Doolarka iyo  Sicir bararka baahsan ee ku yimi sarrifka lacagaha kula gal-gashay adeega

shirkadda TELESOM u adeegsato dhinaca xawillaada lacagaha ee ZAAD-ka, taas oo xukuumaddu ku andacootay inuu  qayb ka qaatay kor u kaca qiimaha doolarka.

 

Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi ayaa adeega ZAAD-ka ku tilmaamay Bangi Electronic ah oo sharci darro ku dhisan isaga oo ka faa’iidaystay khalkhal dhinaca sharciga maalliyada ah.   Guddoomiyaha Bangiga dhexe oo shalay hor tegey golaha wakiillada Somaliland ayaa sheegay in ay ka xukuumad ahaan joojin doonaan dhaqdhaqaaqa adeegan isla markaana Wada hadal ka yeesheen shirkadda TELESOM, sidii Nidaamka saxda ah loogu dhiqi lahaa Adeegsan, isaga oo ku dooday inuu qayb laxaad leh ka qaadan karo hoos u dhaca sicir bararka. “Shirkadaas waxaanu u sheegnay inay arrintan ay wadaan tahay Electornic Banking kana dhalatay sharci darradii ka jirtay qaybta adeega maaliyadda iyo lacagaha” sdaa ayuu yidhi Cabdi Dirir Cabdi Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee JSL.  Ugu horeynse, Fadhigii shalay ee    Golaha wakiilada Somaliland oo uu shir Gudoominayey gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada  Baashe Maxamed Faarax ayaa waxa ay mudanayaashu gudoomiyaha Baanka wax ka waydiiyeen hawlaha uu baanku u qaabilsan yahay dalka.

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi ayaa warbixinta uu siiyey mudanayaasha Golaha wakiilada waxa uu kaga hadlay waxqabadii Baanka ee saddexdii bilood ee u danbeeyey ay ku hawlanayeen, isaga oo tilmaamay inay mudooyinkii ugu  danbeeyey la dagaalamayeen sixir bararka ku yimid qiimaha doolarka waxaanu yidhi,   “Waxaan ka hadlayaa arimihii u waa weynaa ee sadexdii bilood ee u danbeeyey  aanu galnay iyo wixii nooga qabsoomay, arinta ugu horaysa waxa weeye inaanu sadexdii bilood ee ugu danbeeyey  la lagaalamaynay  sixir bararkii ka yimid doolarka  oo sare u kacay sidii aanu  u dajin lahayna, sadex Toddobaad ka hor doolarku waxa uu ahaa 7250 shilinka Somaliland ah maantana waxa uu taagan yahay 6700 markaa waa la dareemi karaa is badelka aanu arintaas ka samaynay joojinna mayno ilaa aanu gaadhsiino sixir macquula.”   Gudoomiyaha Baanka Dhexe Ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi  oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey,  “Doolarku sanadihii hore waxa u dhici jiray wakhtiga aynu xoolaha dirno sanadkan wax ayaa iska bedelay arintaas oo xoolihii laynaga iibsan jiray sidii hore may  ahayn sanadkan, dadka xoolaha ka ganacsadaana waxay ka soo iibsadeen kilalka shanaad ee dalka itoobiya iyo koonfurta, doolarku waxa uu gaadhi jiray wakhtiyadii hore 6200 shilinka Somaliland ah sanadkan marka laga bilaabo wakhtigii xoolaha la dirayey waxa uu gaadhay  6500 dabadeedna kor ayuu u sii kacay arinta keentayna waxay ahayd doolarka oo ku yaraaday suuqyadeen.”   Sidoo kale Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland waxa uu ka hadlay kulamo uu sheegay inay la yeesheen masuuliyiinta shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom isaga oo tilmaamay  inay ka wada hadleen sidii wax ka badal loogu samayn lahaa adeega shirkadaas ee Zaad-ka, waxaanu tilmamaay inay shirkadaas isku af garteen arimihii ay ka wada hadlayeen, “Waxaanu la kulanay shirkada Telesom annaga oo ka wada hadlayna arrinta Zaad-ka oo aanu is leenahay saamayn ayey ku leedahay sixirka doolarka ee kor u kacay, shirkadaasna waxaanu u sheegnay inay arrintan ay wadaan tahay Electornic Banking kana dhalatay sharci darradii ka jirtay qaybta adeega maaliyadda iyo lacagaha sharcigaasina aanu sii socon doonin, annaga oo rajaynayna in adeega Zaad-ku aanu ku sii shaqayn doonin nidaamka isku bedelka lacagaha oo uu sidaa ku sii socdo haddii aanay shirkadda Telesom tallaabo qaadin oo aanay samayn Bangi uu Zaad-ku hoos yimaado” sidaa ayuu yidhi guddoomiyuhu, waxaanu intaa ku daray,”Zaad-ku waa Electronic Banking lacag fara badan oo dibada inaga soo gashana waxaanu qabnaa inay ku wareegayso xisaabaadka uu Zaad-ku leeyahay, taas oo keenta inuu doolar fara badani gacmaha Zaad-ka isku waydaarto taas oo aanu aamin sanahay inay wax yeeli karto doolarka suuqa soo galaya.  Waxaanu ku nidhi (Telesaom)  arintaasi mid aanu idinka yeelayno maaha, waxaanan rabnaa inaad hore u soo kacdaan oo aad samaysaan Bangi uu Zaad-ku hoos yimaado waanay naga yeeleen waxaanay sheegeen inay doonayaan inay Bangi samaystaan”.  

Sidoo kale Guddoomiyaha Baanku waxa uu  ka hadlay qorshe ay ku doonayaan  inay  ku furaan Baananka ganacsiga, isaga oo tilmaamay inay dhawaan hir gelin doonaan, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waxaanu doonaynaa inaanu furno nidaamka Baanka ganacsiga maadaama oo aanay jirin dad  khibrad u leh nidaamka baanka ganacsiyada waxaanu baanka  aduunka waydiisanay inay noo tababaraan dad khibrad u leh oo maamula baananka ganacsiga, waanay naga aqbaleen tababarkiina intiisa badani wuu soo dhamaaday  oo geba- gebo ayuu ku dhaw yahay”. Ayuu yidhi.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi waxa uu Jawaabo kooban ka bixiyay Su’aalo ay  mudanayaasha Golaha Wakiiladu ka waydiiyeen warbixintiisa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *