Nicolos KayNew York (Araweelo News Network) Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, ayaa Ergay u magcaabay Somalia Dublamaasi cusub oo

u dhashay Britain.

 

Mr Kay waxaa uu beddelayaa wakiilkii hore ee Xoghayaha Qaramada Midoobay ee arrimaha Somalia Ambassador Augustine Mahiga, kaas oo shaqadiisa soo gebagebeysmay  saddexda bisha Juun ee sanadkan 2013.

Ban Ki-moon Xoghayaha guud waxaa uu uga mahadceliyay sidii daacadnimada lahayd ee uu hawshiisa u soo gutay saddexdii sano ee la soo dhaafay Mahiga.

Hoggaamintiisa ku dayashada mudan ee gacan siinta sidii looga bixi lahaa habkii kala guurka siyaasadeed ee siddeedda ka jiray Soomaaliya ee dhammaaday bishii September ee sanadkii 2012kii ayaa xusid gaar ah mudan, ayaa lagu yidhi hadalka ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

 

xoghayaha guud ayaa lagu sheegay hadalka kasoo baxay xafiiska in Mr. Mahiga lagu xusuusan doono in uu dhigay aasaaska ay haatan dowladda federalka ee Soomaaliya, isagoo kaashanaysa beesha caalamka, taas oo  ay ka sii amba qaadi karto inay nabadda dhisto, isla markaana xoojiso ammaanka iyo horumarinta dalka.

 

Wakiilka loo magcaabay Somalia Sir Nicholas Kay waxaa uu hadda Agaasime ka yahay wasaaradda arrimaha dibadda iyo commonwealth-ka ee dalka Britain u qaabilsan qaaradda Afrika, wuxuuna xilkaa hayay  laga soo bilaabo sanadkii hore ee 2012-kii.

Sir Nicholas Kay Shaqadaa ka hor wuxuu  danjire ka soo noqday dalalka DRC intii u dhexaysay 2007 ilaa 2010kii iyo Sudan 2010 ilaa 2012kii. Waxaa kaloo uu soo qabtay jagada ah iskuduwadaha goboleed ee koofurta Afganistaan iyo madaxa kooxda dib u dhiska gobolka Helmand intii u dhexaysay 2006 iyo 2007.

Intii uu ka soo shaqeynayay wasaaradda arrimaha dibadda iyo commonwealth-ka, Mr Kay waxaa uu soo qabtay jagooyin siyaasadeed ee London iyo kuwo waddammo dibadda ah sida Spain iyo Cuba.

Waxaa kaloo uu ka soo shaqeeyay macallinimo Afka Ingiriiska uu ka soo dhigay dalalka Brazil, Qubrus, Peru, Sacuudi Careebiya, Spain, iyo dalka Britain gudihiisa.

 

Ambassador Sir Nicholas Kay wuxuu dhashay sanadkii 1958-kii waxaa uu leeyahay xaas iyo saddex carruur ah, kuwaas oo kala ah labo gabdhood iyo wiil. Waxayna magcaabistiisa xiliggan ee arrimaha Somalia la xidhiidhaa qorshe istiraatiijiyad cusub oo siyaasadeed oo qaramada Midoobay ku waajahay Siyaasada Somalia.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *