08Hargeysa(Araweelo News Network) Munaasibad lagu xusayey sanadguuradii 11aad ka soo wareegtay geeridii Alleh ha u naxariisktee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa

 

Madaxweynihii laabaad ee dhidibada u taagay Qaranimada Jamhuuriyada Somaliland ayaa lagu qabtay xalay Hoteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Munaasibadan oo ahayd mid siwayn loo soo Agaasimaya ayaa Waxaa ka soo qaybgalay Madaxda Xisbiyada Qaranka, Golalaha Wasiirada,  Aqoon yahano, Hal Abuuro Iyo wakiilka Ethiopia u fadhiya Somaliland .

Boobe Yousuf Ducaale oo ahaa Gudiga qaban qaabada Xuskaasi oo Munaasibadaasi Hadalo kooban ka soo jeediyey ayaa uga mahad celiyey  Cidkasta oo gacan ka gaysatay qabsoomida munaasibadaasi oo ay ka mid miyihiin Maansoor Hotel, Shirkada isgaadhsiinta ee Telesom, Dahabshiil iyo Hay’addo kale oo tiro badan, Waxa kale oo uu halkaasi ka akhriyey Qaarka mida Khudbadihii Ugu muhiimsanaa ee lagu xasuusan karo oo uu kaga hadlayey halka ay gaadhsiisnayd hamigiisii taabagelinta  Qaranimada Somaliland oo ay ka  mid ahayd khudbado uu kula hadlayey Hay’addaha Qaramada midoobay iyo kuwo uu kula hadlayey shacabka reer Somaliland.

Sidoo kale Xaaji Cabdikariim Xuseen (X. Cabdi-Waraabe) oo ku hadlayey Afka Golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay In Marxuum Cigaal uu ahaa ninkii dhidiba u taagay Dawlada Somaliland oo tacab badan galiyey sidii ay halkan u soo gaadhi lahayd, wuxuuna ka sheekeeyay waxqabadkii Marxuum Cigaal  Mudadii lagu jiray Halganka Dibu ula soo noqoshada Madaxbanaanida ilaa maalintii uu Noqday Madaxweynaha Somaliland, wuxuuna  ku tilmaamay inuu ahaa nin wax badan ka yaqaan habka Dawlada nimada oo mudan ku dayasho. Sidaa awgeed ay waajib tahay in loo duceeyo.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada CabdiCasiis Maxamed Samaale oo Munaasibada Xuska hado kooban ka so jeedyey ayaa  sheeegay inuu Marxuumku  ahaa Halyey ay tusaalooyin badan ku gadaaman yihiin, waxyaabihii laga dhaxlay, isagoo sheegay inay markuu Seeska u dhigay Jamhuuriyada Somaliland noqotay Qaran dhismay, waxaanu itaa  ku daray “ waxaynu Ugu abaal gudi karnaa Marxuum Cigaal inagoo Uducayna Qarankan uu dhidibada U taagayna Ilaashana” ayuu ydhi Wasiir Samaale.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid  En.Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey musaabadan loogu talo galay Xuska sanad guuradii 11aad ee ka soo wareegtay Geeridii Marxuum Cigaal ayaa ku dheeraday taariikh nololeedkii Marxuunka isagoo si gaara u tilmaamay Waqtigii ay jirtay Dawladii Dhexe ee Somaliya oo ay dhibaatooyin badan ka soomareen waxaanu ka waramay doorka uu ku lahaa Qarankan waxaanu yidhi “Marxuumku waxuu ahaa nin aragti fogle manta inaa ay haysano ee aynaan kordhina isaa ayaa inoo keenay nin firfircoon ayuu ahaa oo yaraan ku bilaabay siyaasada dhamaanteena ilaahay haynaga siiyo samir iyo iimay” ayuu yidhi Faysal Cali waraabe

Cabdi rashiid Maxamuud oo ku hadlayey Afka Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ayaa ayaa dhinaciisa ka waramay waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee lagu xasuunan karo Madaxweynihii Labaad Ee Somaliland Marxuum X. Maxamed Ibraahin Cigaal Isagoo si gaara u Xusa baaqyadii uu bulshada u tiri jiray oo ay ka mid yihiin “hadii aad Icraaf Doonayasaan Waa In lagu talo gala ilaa soddon sano”.

Axmed Xuseen Oomane oo ka mid ahaa Xubnaha  Wasiiradii Xukuumaddii Marxuum Cigaal lasoo  shaqeeyey ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay waqtigii ay soo wada shaqeeyeen waxyaabaha uu ka xasuusto, isagoo  yidhi,  “Cigaal waxaan la soo shaqeeyey sagaal sannadood oo adag oo nin  adag moooyaane nin kale aanu ka bixi karayn  oo aanay jirin haykal Dawladnimo, waxaanu suurto galiyey inaynu soo gaadhno halkaa aynu maanta joogno macalinbaanu anaga noo ahaa waanu naga aragti horeeyey”, ayuu yidhi Axmed Xuseen Oomane.

Waxa kale oo munaasibadaa ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga talada haya Ee kulmiye Muj.Maxamed Kaahin waxaanu sheegay inay taariikhdu leedahay muhiiman baladhaalan oo mudan in aad loo ilaaliyo

“Umada xili aad u adag oo dunidu inaga soo horjeedo ayuu Wadankan soo hogaamiyey wuxuu ka mid ahaa raggii dhaliyay xoriyadii ay Somaliland ka qaadatay Ingiriiska , wuxuu ahaa nin aragti dheer , Dalkana waxbadan  ayuu ka soo taray Mudadii uu Xilka hayey, Waxaynu ku xusi karnaa Inaanu sandaqad ka Dhisan, Aduunyada nin Guryo ka dhistaa Taariikh kuma yeesho, waxaynu tari karnaana waxa weeyi inaynu taariikhda ilaalino,Illaahay janadiisa haka waraabiyo” ayuu yidhi Muj.Maxamed Kaahin.

Kaltuun Xaaji Daahir oo ahayd Marwadii Marxuumka oo munaasibadan qaban qaabadeeda lahayd ayaa ka war bixisay Xuska Marxuuka “Waxaynu ka joognaa geeridiisii 11 sano kaligay ayaa la soo jiitamayey  way  yartahay cid iga gacan siisyey, maanta waxaanu samaynay gudi ka kooban beelaha Somaliland”Kaltuun waxay intaasi ku dartay iyo yadoo hadalkeeda sii wadatay, waxaynu ku baaqday Madaxweynihii 1aad ee Somaliland Cabdiraxmaan Tuur Maayirka caasimada Hargaysa ayaa isaguna ugu dambayntii halkaasi uga duceeyey Marxuum Cigaal.2

Maxamed X.Ibraahin Cigaal oo ahaa Madaxweynhii Labaad Ee Somaliland, isla markaana dhidibada u taagay qaranimada iyo dawladnimada Somaliland ayaa 3 May 2002, ku geeriyooday dalka Koonfur Afrika oo xaalad caafimaad loo geeyay.
Marxuum Cigaal oo ka sokow Somaliland taariikhda siyaasada Bulshada Soomaalida iyo Geeska Afrika raad ku lahaa waxa uu ahaa Hogaamiye si weyn loo qadarin jiray mudadii uu siyaasada ku jiray 1960 -2002.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *