Hargeysa(Araweelo News Network)Wasiirka wasaaradda Dib u dejinta Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xagla (xaglo-toosiye) ayaa ka war-bixiyay halka ay marayaan hawlaha qaybinta

raashinka mucaawimada ah ee ay dawlada Turkigu ugu deeqday Somaliland dhowaan. Kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Khilaaf ka dhashay habka loo maamulay deeqda Raashinaka.

Mudane Saleebaan Ciise Axmed Xagla (xaglo-toosiye), ayaa sheegay in raashinkaasi lagu soo hagaajiyay wasaaradda dib u dejinta,  isla markaana qaybinta raashinkaasi ay ku saleeyeen qorshe ay isla qaateen Masuuliyiinta Hay’adda bisha case e Turkiga, taas  oo sida uu sheegay in qorshuhu ahaa  in dhamaanba gobolada dalka si isku mid loogu qaybiyo loona gaadhsiiyo, isaga oo u mahad naqay dawlada Turkiga oo deeqdani soo gaadhsiisay Somaliland, waxaanu yidhi,  “waxaan u mahad naqayaa dawlada Turkiga iyo hay’adooda bisha cas, caawimadan waxaa lagu soo hagaajiyay wasaaradda dib u dejinta, iyada ayaana samaysay qorshaha qaybinta guud, waxaana loogu talo galay in la gaadhsiiyo dhamaanba dadka reer Somaliland ee jilicsan, qaybinta raashinkaasi waxaanu gobolka kasta ku salaynay si cadaalad ah oo aanaan gobolada u kala badin, “waxaanu qorshuhu ahaa oo aanu ku salaynay isla markaana aanu hay’ada bisha cas ee Turkiga isla qaadanay in qaybinta raashinkaasi gobolk kasta qaybtiisa loo dhiibo dhasaabada gobolada, wasaaradda dib u dejintuna ay la shaqayso badhasaabada gobolada in caawimadaasi gaadhay dadkii iyo meelihii loogu talo galay”.

Wasiirka oo la waydiiyay in dadka qaar ay ka cabanayaan qaabka loo qaybiyay raashinka gobolka Maroodijeex, ayaa sheegay in qaybinta raashinka caawimada ah ee gobolka Maroodijeex uu madaxwayne ku xigeenku u magacaabay guddi ay ka mid yihiin wasiiro “raashinkaa markii ay wasaaradda dib u dejintu ku wareejisay Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex waxaa guddi qaybisa u magacaabay madaxwayne ku xigeenka, guddidaasi oo ay ku jiraan wasiiro” ayuu yidhi wasiir xagla-Toosiye oo shalay u waramayay Weriye Ibraahim Cismaan Axmed, ka hor intii aanu u kicitimin socdaal shaqo oo uu ku tagay dalka Djibouti.

Wasiirka Dib u dejinta Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xagla (xaglo-toosiye) waxa kale oo uu sheegay in aanu jirin wax la yidhaahdo xafiiska samafalka madaxtooyada, xafiiskaasina digreeto madaxwayne lagu hoos keenay wasaaradda dib u dejinta,  isla markaana hada uu xafiiskaasi hoos yimaado wasaaradda dib u dejinta. Isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Arrintaasi waa mid is burinaysa xafiiska sama-falka ee madaxtooyadu ma jiro hada digreeto madaxwayne ayaana xafiiskaasi loogu wareejiyay wasaaradda dib u dejinta, xafiiskaasina waxa uu ka tirsan yahay wasaaradda dib u dejinta, mana jiro wax la yidhaahdo xafiiska sama-falka madaxtooyada, cidii tirsanaysa in aanu ka tirsanayn wasaaradda dib u dejintana iyada ayay u taalaa oo waa in la waydiiyaa, mana aha xafiis gaar ah oo ka madax banaan wasaaradda dib u dejinta”.

Wasiir Saleebaan Ciise Axmed Xagla (xaglo-toosiye), oo wax laga waydiiyay socdaan uu muddo hore sheegay in uu ku tegi doono deegaano ka tirsan gobolka sool gaar ahaana Buuhoodle ayaa sheegay in arrintaasi ay tahay mid aad u muhiim ah,  isla markaana uu doonayo in marka uu madaxwaynuhu soo noqdo hawlahaasi la guda geli doono, isagoo yidhi,  “arrintaasi waa mid aad muhiim u ah, waana arrin la xidhiidha nabad geliyada waxaanay ka mid ahayd waxyaabihii aanu xukuumada Somaliland ku heshiinay , dib ayay u dhacday in aan tago laakiin hada miiska ayay saaran tahay, waxaanan rejaynayaa marka uu madaxwaynuhu yimaado in la bilaabi doono oo aan tegi doono, waana in arrimo badan oo muhiim ah oo is daba yaala oo u baahan in wax laga  la qabto, oo ay ka mid tahay in deegaanadaasi nabad laga dhaliyo iyo in deegaanadaasi maamulka la gaadhsiiyo, kuwaasi oo loo baahan yahay in aynu dhamaanteen ka wada shaqayno”. Ayuu yidhi Wasiirka Dib u dejinta Somaliland Saleebaan Xagla-Toosiye.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *