Garoowe(Araweelo News Network)Maamul Goboleedka Puntland Somalia ee Xaruntiisu tahay Garoowe ayaa sheegay in aanay ka qaybgalayn shirka lagaga hadlayo arrimaha Somalia ee

 

dawlada Britain ku baaqday oo loo qorsheeyay in uu 7-da bishan May ka furmo magaalada London.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal War-saxaafadeed ah oo kasoo baxay Maamulka Puntland, kaas oo lagu sheegay in maamulku aanu casuumaad rasmi ah ka helin dhinacyada shirka, sidaa  darteedna aanay wafdi u diri doonin.

Maamul Goboleedka Somalia ee Puntland waxay sheegtay in dhambaal ku saabsan mowqifka ay ka taagan tahay  shirkaa ay u gudbinayso xukuumadda Britain.

“Intaa waxaa dheer, Puntland waxay aad uga wer-wersan tahay horumarinta dastuurka federaalka ee kumeel gaadhka ah ee ay Nairobi ku oggolaadeen saxiixeyaashii dhabbihii nabadda (June 22-keedii, 2012), Qaramada Midoobayna ay saxeexday,  iyadoo damiin ah, isla markaana ay si aqlabiyad ah ku ansixiyeen argooyinkii qaran ee ansixinta dastuurka.” Ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka Puntland.

Dhawaaqan ayaa kusoo beegmay maalmo ka dib booqasho uu Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ku tagay magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland ee Somalia, iyadoo Madaxweynaha Somalia kulan la qaatay C/raxmaan Faroole oo ah Hogaamiyaha Maamulka Puntland.

Hase yeeshee kulanka ayaa wararka qaar sheegayaan inuu ku dhamaaday guuldaro. Kadib markii ay Maamulka Puntland ku gacan saydheen qorshihii uu watay Madaxweynaha Federaalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale dhawaaqa Maamulka Faroole oo aanay marka horeba  diidmadiisa shirkaa cadayn roolka uu ku yeelanayo Maamaul goboleed ka mid ah Dawlada Federaalka Somalia inuu ka qaybgalo shirka ayaa kusoo beegmay iyadoo ay wadamada Britain iyo Maraykanku weli xal dublamaasiyaadeed u raadinayaan sidii ay Xukuumadda Somaliland ugu qancin lahaayeen inay ka qaybgasho shirkaa. Kadib markii Madaxweynaha Somaliland oo kulan la yeeshay raysal wasaaraha Britain si cad ugu sheegay in shirka ay dawladiisu wado ee la filayo in 7 May lagu qabto London aanay meeli uga banaanayn oo aanay ka qaybgelayn.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *