Villa Somalia qarax iyo weerarMuqdisho(Araweelo News Network)Xukuumadda Somalia ayaa ka hadashay weeraro iyo qaraxyo maanta ka dhacay xarunta madaxtooyadda ee Villa Somalia, taas oo sababtay in koox ka tirsan Al-shabaab oo

 

weerarkaa qaaday qadar ku qabsadeen dhismayaal ka tirsan madaxtooyadda.
Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumadda Xasan Sheekh oo ka hadlay weerarka ayaa ku tilmaamay mid naf lacaarinimo ah oo ay Argagixisadu isku dayeen in ay ku soo qaadaan xarunta madaxtooyada Soomaaliya, balse waxa uu sheegay in ay ciidammada Qaranku fashiliyeen maanta.

“Maleeshiyaad naf lacaarfi ah oo nabad diidka ka tirsan ayaa Qarax fashilmay ka geystay dhabarka dambe ee ilinka madaxtooyada, hasa yeeshee ciidammada dowladda Soomaaliya ayaa khaarajiyey dhammaan maleeshiyaadkii falkaasi ku kacay, xaaladda hadda aad ayeey u degan tahay, shacabka Soomaaliyeed waxaa ugu baaqayaa in ay isdajiyaan, isla markaana ay gacan ka siiyaan ciidammada amniga Qaranka Soomaaliya” ayuu yidhi wasiirka Amniga Soomaaliya oo codkiisa laga baahiyay Radio Muqdisho.

Wasiirku  waxa uu sheegay  in ciidammada Militari-ga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ilaalada ka ah madaxtooyada Villa Soomaaliya ay si adag uga hortageen malleeshiyaad kooban oo Al-Shabaab ka tirsan, kuwaas oo uu sheegay in ay damacsanaayeen argagixinta madaxtooyada, balse waxa uu sheegay in kooxdii weerarka soo qaaday ay noqdeen wax la qabtay iyo la laayay, wuxuuna xusay in ay kasoo galeen Madaxtooyadda dhabarka danbe, iyagoo adeegsanaya qarax iyo weerar wada socda.
balse warar madaxbanaan ayaa sheegaya in kooxda weerarka soo qaaday oo qadar haysatay dhimayaal Madaxtooyadda ka tirsan is qarxiyeen weerarka ka dib.

Wasiirka Aminaga Somalia ma sheegin waxyeelada weerarada, balse Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya ka badbaaday weerarada oo uu badqabo, weerarkuna uu fashilmay. Sidoo kale Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col Ali Hamud oo VOA la hadlay ayaa cambaareeyey weerarkaa.

Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii u danbeeyay isu bedelaysay goob dagaal iyadoo ay weeraro joogto ah ka fuliyaan gfudaha magaalada Al-shabaab, taas oo sababtay in degmooyinka qaar laga qaxo, iyagoo shacbigu ka cabsi qaba in weeraradu sii socdaan oo ay xaaladu isu bedesho dagaal.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.ccom

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *