AlshabaabMuqdisho(Araweelo News Network)Al-shabaab ayaa weeraro qaraxyo ah la beegsaday Madaxtooyada Villa Somalia. Kadib koox hubaysan ay gudaha

 

u galeen maanta iyagoo ridaya tacshiirado rasaas ah, wararka hordhaca ah yaa sheegaya sheegaya in dhawr qof ay ku dhinteey weerarkaa, balse uu ka badbaaday Madaxweynaha Somalia.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Malayshiyada Al-shabaab qadar daqiiqada ah ay  haysteen masaajidka uu madaxweyna inta badan ku tukado salaadda Jimcaha.

Shebekada Somali Memo oo lala xidhiidhiyo Al-Shabaab ayaa lagu baahiyay in howlgalka uu ka socday gudaha madaxtooyada Villa Somalia.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu u sheegay inuu badqabo, weerarkuna uu fashilmay. Sidoo kale Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col Ali Hamud oo VOA la hadlay ayaa cambaareeyey weerarkaa.
Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii u danbeeyay isu bedelaysay goob dagaal iyadoo ay weeraro joogto ah ka fuliyaan gfudaha magaalada Al-shabaab, taas oo sababtay in degmooyinka qaar laga qaxo, iyagoo shacbigu ka cabsi qaba in weeraradu sii socdaan oo ay xaaladu isu bedesho dagaal.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *