http://arraweelo.com/wp-content/uploads/2014/02/kulanka-Kulmiye-khilaafka-300x200.jpgHargeysa(Araweelo News Network)Guddi Madaxweyne Siilaanyo hore ugu saaray turxaan bixinta xisbiga talladda haya ee KULMIYE, ayaa caawa ku dhawaaqay 10 Qoddob oo ay u arkeen in ay dawo u yihiin

 

khilaafka mudada soo taxnaa ee xisbiga Kulmiye.

Kulan jilbaha laysdhigay oo madaxtooyadda lagu qabtay ayaa laga soo saaray go’aamada ka kooban toban qodob, waxaana kulankaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Hoggaanka xisbiga KULMIYE, Wasiirro iyo xubno badan oo ka mid ah Guddida fulinta iyo Golaha dhexe, kaas oo lagu shaaciyay qoddobada Guddida turxaan bixintu soo saartay, isla markaana Hoggaanka xisbiga ayaa sheegay inay aqbaleen qoddobada kasoo baxay kulankaa.

Go’aanka Guddida turxaan-bixinta waxa ku dhawaaqay Xoghayaha Guddidaa Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan), wuxuuna madasha ka akhriyay qodobada, isagoo yidhi, “Mudanayaal, sida aad la socotaan waxaa madaxweynaha JSL u magacaabay gudi turxaan bixin khilaafka soo kala dhex galay madaxda sare ee xisbiga Kulmiye kaas oo saamayn ku yeeshay qabsoomida shirweynaha sadexaad ee xisbiga Kulmiye. Gudidaas oo ka koobnayd toban xubnood waxay si mug iyo miisaan leh uga hawl gashay shaqadii loo igmaday. Gudidu si ay u daristo baaxada khilaafka iyo waxa lagu kala cabanayo waxay kulamo gooni gooni ah la yeelatay dhinacyadii wax kala tirsanayey iyadoo dhinacwalba la yeelatay sadex kulan oo gaar ah. Si khilaafka loo fududeeyo waxay gudidu kulamo shakhsi shakhi ah la yeelatay xubnaha xisbiga ee kala cabanayey kaas oo ay u kala dab qaadaysay (shuttle diplomacy). Kulamadaas gaar gaarka ah ka dib waxay gudigu si toos ah isu soo hor fadhiisiyey dhinacyadii wax kala tirsanayey kuwaas oo dhinac waliba ku soo bandhigay wixii uu tirsaanayey si furan oo saraaxad leh.

Hadaba gudigu iyada oo tixgelinaysa wada jirka xisbiga kana duulaysa sidii shirwaynaha xisbigu ugu qabsoomi lahaa wakhtigii loo cayimay iyadoo dhammaan xisbigu mid yahy. Gudidu markii ay dhagaysay doodihii dhinacyada isla markaana ay si baaxadleh u deristay nuxurka khilaafku ku salaysan yahay waxay soo saartay go’aamadan:-

1. Waxaa awooda qaban qaabada iyo diyaarinta shirka iska leh gudida qabanqaabada shirweynaha, waxaana gudidaas musdanbeed u noqonaya hogaanka xisbiga.

2. Iyada oo raacayo dastuurka xisbiga waxay gudiga fulintu ansixinaysaa afarta xubnood ee lagu soo daray gudida qabanqaabada,

3. Hadii loo baahdo waxka bedelka dastuurka xisbiga waxaa awooda diyaarinta waxka bedelka yeelanaya gudida fulinta, waxaana soo jeedintooda ay u gudbinayaan gudida qabanqaabada oo iyana u gudbin doonta shirweynaha.

4. Iyada oo la dhawrayo wada jirka xisbiga waxay gudidu go’aamisay in dhammaan xubnaha hogaanka oo kala ah gudoomiyaha, afartiisa kuxigeen iyo xogahaya guud sidooda loo daayo oo aan cidi kula tartamin isla markaana shirweynaha dib loogu soo doorto si loo mariyo sharciyada

5. In Cabdicasiis Maxamed Samaale uu ka mid noqdo gudida fulinta ee xisbiga.

6. gudida fulinta ee cusub waxaa soo magacaabaya hogaanka xisbiga oo wada jira , waxaanay kala tashanayaan Madaxwaynaha JSL.

7. Saddexda urur ee kala ah Dalsan , Damal iyo Umadda waa in la siidaayo liisaska xubnaha Golayaashooda dhexe si ay uga qayb galaan shirwaynaha xisbiga ee soo socda .

8. Sida uu dhigayo sharciga xisbigu Ergooyinka shirwaynuhu waxay ka imanayaan gobolada iyo degmooyinka , waxaana soo xulaya madaxda xisbiga ee degmooyinka iyo Gobolada iyo masuuliyiinta heer qaran ee xisbiga u matalaya gobolada iyo degmooyinka .

9. Soo xulista xubnaha golaha dhexe ee lagu dooran doono shirwaynaha waxaa lagu soo xulayaa sida ku cad qodobka sideedaad.

1.Wasiirka Arrimaha Dibada (Gudoomiye )

2.Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga (G-Xigeen)

3.Xil.Cali Xasan Maxamed (Xoghaye )

4.Wasiirka Duulista Iyo Hawada

5.Wasiirka Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare (Xubin )

6.Wasiirka Diinta iyo Awqaafta (xubin)

7.Maareeyaha Haayada Abaabul ka saarka Qaranka iyo Dib u Jihaynta (xubin)

8.Xil.Maxamed Axmed Obsiye (xubin)

9.Xil.C/rahmaan Abubakar Good (xubin).
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *