saudi arabia1Riyadh(Araweelo News Network)Dawlada Sucuudiga oo mamnuucday in magacyo ka badan 50 loo bixiyo caruurta sucuudiga, taas oo ay haddii ay waalidiinta caruurta dhashay ka dhega adaygaan laga qaadayo talaabo sharci ah.

Sidaana waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaarada Arrimaha Guddaha Xukuumada dalka Sucuudiga oo lagu daabacay wargeyska Gulfnews, waxaana lagu sheegay in waalidiinta dalkaas caruurta u dhalata loo bixin karin 51 magac oo ay sheegeen in uu ka hor imanayo diinta Islaamka, dhaqanka iyo magacyada ay la baxaan boqorada ka taliya boqortooyada Sucuudiga.

Warsaxaafadeedku wuxuu soo bandhigay diiwaan ay ku qoran yihiin magacyo ay ka buuxaan magacyo Reer Galbeedku la baxaan, kuwo Shiico ah iyo qaar ay sheegeen in ay diinta Islaamka dhaawacayaan.

Magacyada waalidiinta Sucuudiga looga digey in caruurtooda u dhalata ugu magac-dhabaa, waxay kala yihiin: Malak, Cabdul Ati, Cabdul Nasser, Cabdul Mosleh, Nabi, Nabiya, Emir, Somu, Al-Mamlaka, Malika, Mamlaka, Tabaraka, Nardeen, Maya, Linda, Randa, Basmalah, Tuleen, Arm, Nareej, Rital, Als, Sandi, Rama, Maleen, Eleen, Alas, Ainar, Loran, Malkiteena, Lareen, Kibriyal, Laureen, Binyameen, Narees, Yara, Sitaf, Aileen, Loland, Tilaj, Barah, Cabdul Nabi, Cabdul Rasool, Jibreel, Cabdul Mo’een, Abrar, Milak, Aiman, Bayan, Baseel iyo Rilam.

Waalidiinta ka dhego-adeyga ammarka laga soo saaray waxa Warsaxaafadeedka lagu sheegay in la kulmi doonnaan ciqaab maxkamadeed oo aan ka sheegin inta ay noqonay.
info@araweelonews.com

 

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *