safarka madaxweynaha1Burco(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftiga balaadhan ee uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay caawa magaalada Burco ee

 

xarunta gobolka Togdheer kadib markii ay saaka kasoo boqooleen magaalada Ceergaabo, halkaas oo ay habeen hore u hoydeen.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in safarka ay kusoo mareen meelo badan oo dalka ah ay kusoo oggaadeen baahiyaha dadka deegaamada haysta, waxyaabaha ay tabanayaan iyo waxa ay qabsadeen, wuxuuna hadalkaa ka sheegay Madaxweyne Siilaanyo mar uu maanta fagaareyaal kala  hadlay dadweynaha ku dhaqan degmooyinka Ceel-afweyn, Gar-adag iyo Caynaba oo ka kala tirsan goboladda Sanaag iyo Sool, kuwaas oo si weyn usoo dhoweeyay Madaxweynaha iyo wefdigiisa ka hor intii anaay caawa soo gaadhin Burco.
“Safar dheer ayaanu soo galnay, kaasi oo aanu dalka ku marnay, waxaanan safarkaasi ula jeednaa in aanu ku oggaano baahiyaha kala duwan ee dalka ka jira, runtii baahiyaha dalka ka jiraa aad iyo aad ayay u farra badan yihiin, intii aanu maraynay oo dhan, meel walbana waxaanu ka balan qaadaynay wixii aanu ka qaban karno in aanu ka qabano ayaanu ka qabanaynaa” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo ka jawaabayay tabashooyinka dadka deegaanada uu soo maray.
safarka madaxweynaha2
“Waxaanu idiin cadaynaynaa in aanu anagu dhinacayaga aad meel weyn nagaga taalaan, in aad tihiin dad aanu qiimo iyo sharaf weyn u hayno, Wixii aanu hore idiinku balan qaadnay, imikana aanu idiin balan qaadaynaa in aanu wixii karaan kayaga ah ka qabano baahiyahaasi kala duwan ee aad sheegteen, Ceel afweyn markasta oo aan imaado waxyaabo badan ayaa la igala hadlaa, oo ah baahida taala Ceel Afweyn, waad og tihiin dalkeenu waa dal soo koraya, waana dal aduunka aan gacan ka helin, waxa uu haysto uu illaahay ugu mahad naqayo, laakiin wax aan mar qudha wadanka wada gaadhaynin weeyi, tallaabo tallaabo ayaynu qaadaynaa, oo aynu u samaynaynaa marba wixii aynu qaban karno ayaa na aynu qabanaynaa oo aynu ku soconaynaa” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo ka hadlayay tabashooyinka dadka Degmada Ceel-afweyn.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in mashruuca ugu weyn ee ay gobolka Sanaag u wadaan uu yahay wadadda oo wax weyn ka taraysa dhaqaalaha dalka isu furnaanta iyo is dhexgalka iyo horumarka, wuxuuna usoo jeediyay dadka deegaanka in ay doorkooda ka qaataan sidii ay horeba uga qayb qaateen, wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Waxaanu u soconay waa wadadaasi Ceerigaabo, wadadaasina waa mid isku xidhaysa qaybo badan oo dalka ah, waa mid dalka fur-furaysay, waana mid waxyaabo badan oo ummadu u baahan tahay u soo kordhinaysa,wadadaasi Ceerigaabo culays aad iyo aad u weyn ayaanu saarnay, waxaananu doonaynaa in aad qayb Libaax ka qaadan doontaan, sidii aad horeba uga qaadateen ee xoolaha nool iyo hantida kaleba aad ugu bixiseen”.
Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu  sheegay in debaal dega 23-guuradda dib ula soo noqoshadda madax-banaanida Somaliland ee 18-ka bisha May ee soo socota xukuumad ahaan u qorsheeyeen in hal kudheg looga dhigo sidii dhaqaale loogu ururin lahaa jidka Ceerigaabo.

“Ma aha markii iigu horaysay oo aan Gar-adag imaado, markii aan ololaha doorashadii madaxweyne-nimo ku jiray ayaan halkan imi, wakhtigaasi oo si fiican la iigu soo dhaweeyay taageero farra badan ayaanu shacbiga ka helnay, abaalna waan u hayaa, halkana (Gara-adag) waxaanu diyaar u nahay in iyadna wixii dalka laga qabto aanu u qabano, wixii waajibaad dawladnimo ah ee naga saarana aanu hor mood ka noqono oo baahiyahaas ay dadku noo sheegteen, waanu qoranay, waananu qaadanay, wixii aanu ka qaban karnana waanu ka qabanaynaa insha allaahu tacaalaa”.

Wefdiga Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo sidoo kale soo maray magaalada Caynaba ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay, wuxuuna Madaxweyne Siilaanyo sheegay in ay wax badan kusoo oggaadeen safarkooda, isagoo yidhi, “Dadweynaha reer Caynaba aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay sida qiimaha leh ee aad noo soo dhawayseen, taasina waa mid caado iyo dhaqan idiin ah oo markasta oo aanu halkan soo marno si aad iyo aad ah ay madaxdeeda, masuuliyiinteeda iyo shacabkeeduba noo soo dhaweeyaan. waxaanu nahay wefti balaadhan oo qaybo badan oo dawladda ka tirsan ah, waxaanu soo marnay meel badan oo dalka ka mid ah, waxa dadku qabaan ayaanu soo ogaanay, waxaanu soo ogaanay waxa dalka baahidiisu tahay, waxyaabaha ay dadku qabsadeen ayaanu soo ogaanay, waxa kale oo aanu soo ogaanay niyad wanaaga ay dadku dawladooda u hayaan iyo sida ay u jecel yihiin in wax lala qabto” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo, waxayna isaga iyo wefdigiisu u boqooleen dhinaca magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo ay caawa ku hoydeen.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *