Eng. Xuseen Cabdi Ducaale1Hargeysa(Araweelo News Network)Wasiirka Macadanta iyo Tamarta Jamhuuriyadda Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa sheegay in shirkad kale oo dalka Shiinaha laga leeyahay heshiis la galeen si ay dalka

uga baadho macdan iyo dhuxul-dhagaxada, wuxuuna sheegay inay u ballanqaaday in xafiis ganacsi oo  fududaynaya xidhiidhka ganacsi ee labada dal, isla markaana fiisayaasha soo saari kara uga furay shirkaddaasi Somaliland dalka China.
Wasiirka Macdanta maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa warbaahinta ugu warramay natiijada socdaal uu ku tegay dalka Shiinaha, wuxuuna xusay in ay albaabo badan soo garaaceen, sidoo kalene shirkado kala duwan oo kuwa shidaalka, macdanta iyo saliidda baadha ah la kulmeen si ay Somaliland heshiisyo dhinaca khayraadka macdanta iyo Batroolka ah ula galaan.

“Waxa ugu horreeya oo aan halkan idiinka sheegayaa in si rasmi ah in shirkaddii barigii dhawayd (shirkadda Guanghou Dong Song Energy) halkan noogu timi noo xaqiijisay inay ballankii ay noo ballanqaadday inay macdan baadh ka samayso dalka Somaliland. Macdan-baadhkaas oo dhawr weji yeelanaya; wejiga ugu horreeya oo noqonaya macdanta lagu badhayo qamar-sanaaciga oo lagu ogaanayo macdanta dalkeenna ku jirta iyo meelahay ku kala jiraan. Taasi markay dhammaato waxa la sii dabagelayaa macdanahaas oo waxay keenayaan injineerradii macdanta oo baadhitaankaas halkaas ka amba qaada oo geli doona baadhitaan rasmi ah.

Shirkaddu waxay macdan-baadhka la kaashanaysaa laba kooxood oo Shiine ah. Kooxda ugu horraysa waxa la yidhaa China RS oo ah nimanka qamar-sinaaciga Shiinaha masuulka uga ah oo adduunyada waxyaabo badan ka baadha. Waxa kale oo ay adeegsanayaan Geological Brue ee Gobolka Yunang oo caan ku ah macdanta, gaar ahaan waaxdooda macdanta oo dalkeenna ka shaqayn doona ee inoo imanaya, waana markii ugu horraysay ee dalka Somaliland aynnu ku dhigno macluumaad taam ah oo sugan oo aynnu taaban karno oo odhan karno dalkeenna waxaasa ku jira, halkaas iyo halkaasaanay ku jiraan,” ayuu yidhi.

Waxa kale oo sheegay in shirkadda Shiinaha ah ee dhuxul-dhagaxda ka bilaabi doonta ay xafiis ganacsiga ah Somaliland uga furi doonto dalka Shiinaha si isku xidhka ganacsiga labada dal u hirgalo, waxaannu yidhi; “Shikaddani waxay noo ballanqaadday inay isku xidhka Shiinaha iyo Somaliland ka shaqayn doonto waqtigan laga bilaabo, taasoo ay ku bilaabi doonto inay xafiis tijaari ah innooga furto magaalada caanka ah ee Guanjo oo noqon doona xafiis ganacsi oo xataa saldhig inoo noqon kara si dalka Shiinaha ula macaamilno oo xataa dhici karta in marka dambe ay fiisayaal bixiyaan oo xafiis aynnu leenahay oo arrimaha dibadda noqda. Taasna waxaan jecelahay inaan Wasiirka Arrimaha Dibadda uga warramo si uu halkaas uga ambo qaado oo xidhiidhka Shiinaha innaga dhaxeeya u adkaato.

Waxa kale oo shirkaddu ballanqaadday inay samaynayso website u khaas ah horumarinta iyo isku-xidhka Somaliland iyo Shiinaha si shirkadaha Shiinuhu macluumad uga helaan Somaliland oo ugu dhiirradaan inay maalgashi ku sameeyaan.”

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu tilmaamay in shirkaddan oo hore Somaliland u timi ay u ballanqaadday inay marka ugu horraysa dayac-gacmeed ku baadho dhuxul-dhagaxda, kadibna si rasmi ah khubaro u keeni doonto Somaliland si meelaha macdanta laga helo looga soo saaro.

“Shirkaddan waxaannu muhiimadda hore u saarnay inay nagala shaqayso dhuxul-dhagaxda dalkeenna ku jirta oo muddo dheer wasaaraddu ku hawlanayd sidii aynu macdanta dhuxul-dhagaxda ula soo bixi lahayn oo maanta hayno shirkaddii inoo soo saari lahayd, waana shirkad shaqadeedu tahay soo-saarka dhuxul-dhagaxda iyo ka-dhalinta korontada, waxaanay fursad noo siisay shirkaddu inay na gayso Gobolka Yunang oo ah meesha ay dhuxul-dhagaxda ka dhaliso oo aannu ka soo duubnay muuqaal aannu saxaafada ku fidin doonno.

Waxaan filayaa dhuxushaasi markay soo baxdo inay shirkaddaasi heshiis la geli doonto dawladda Somaliland siday shirkaddaasi koronto uga dhashan lahayd dhuxul-dhagaxdaas. Waxa kaloon isla qaadannay inay sifayso oo suntan ka saarto oo dhuxushaasi markay soo baxdo wax lagu karsan karo iyo inaynnu dibadaha u dhoofin karno si aynnu lacag uga helno, haddii baadhitaankaas dhammadaan oo la xaqiijiyo in dalkeena macadam laga faa’iidaysan karo ku jirto. Shirkaddu waxay diyaar u tahay inay dawladda heshiis la gasho oo macdantaas ula soo bixi lahayn,” ayuu yidhi Eng. Xuseen Cabdi Ducaale.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *