Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga u taxaabtay  Sheekh Maxamuud Sh. Muxumed Raagge oo ahaa hogaamiyihii  Malayshiyada deegaanka Gabiley ee Muranka dhulka ka dhexeeyay Degmada Dila ee Gobolka Awdal iyo Lix Oday oo ahaa Odayaashii  u sexeexay dhinaca

 

Gabiley heshiiskii nabada ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka dhalisay deegaanka muranku ka taagnaa oo falal colaadeed hore uga taagnaayeen.   
Sheekh Maxamuud Raagge iyo Odayaasha  kasoo jeeda deegaanka Gabiley ayaa maanta galinkii danbe Xabsiga Loo Taxaabay Kadib Markii Sadex Nin Xalay gelinkii danbe  Lagu Dilay Seemaal oo ka tirsan deeganada Ceelbardaale ee shaqaaqada muranka dhulku hore uga taagnaa.  Sidaana waxa shebekada wararka u xaqiijiyay saraakiil ka tirsan Xukuumadda Somaliland. 

Falka lagu dilay xalay dadkaa ayaa keenay cabsi soo waajahday dadka deegaanka, iyadoo  mushkiladani hakad gelisay isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga deegaamada galbeedka Somaliland ee Boorame iyo Gabiley, isla markaana Madaxweynaha  Somaliland oo kulan deg deg ah maanta qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Labada Taliye Ciidan ee Booliska iyo Milateriga ayaa ku amray inay gacanta kusoo dhigaan dadkii fuliyay falkaa foosha xun, isla markaana sharciga la hor geeyo, waxaana isla maanta ciidamada amaanka iyo Milaterigu bilaabeen hawlgalo lagu baadidoonayo dadkii ka danbeeyay fuliyay  falkaa iyo kuwii ka danbeeyay.

Dhinaca kale waxa deegaamadaa ku baxay maanta masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, xildhibaano iyo Odayaal, kuwaas  ugu baaqaya inaanay arrintani noqon mid waxyeelo gaadhsiisa isu socodka iyo wada noolaanshaha dadka deegaanka ee walaalaha ah, isla markaana meel looga soo wada jeesto sidii gacanta loogu dhigi lahaa dadkaa, ama kooxdii falkaa foosha xun fulisay. Kadibna sharciga la horgeeyo.   
Sidoo kale baaqyo lagu canbaaraynayo falkaa dilalka ee ka dhacay deegaanka Ceelberdaale, isla markaana loogu baaqayo bulshada inay ilaaliyaan deganaanshaha iyo xasiloonoda  iyo inay xukuumadda Somaliland gacanta kusoo dhigto dadkii falalkaa fuliyay ayaa kasoo baxay axsaabta qaranka iyo masuuliyiin  kale.
Xisbiga  muxaafidka  ee Kulmiye ayaa  ugu baaqay xukuumadda inay si dhakhso ah uga hawlgasho sidii gacanta loogu dhigi lahaa dhagar qabayaasha falkaa foosha xun fuliyay. Qoraal kasoo baxay xafiiska KULMIYE oo uu ku saxeexyahay Xoghayaha Xisbigaa Xasan Siciid Yuusuf ayaa  u dhignaa sidan:-

“KULMIYE waxa uu si culus u cambaaraynayaa falkii axmaqnimada ahaa ee habbeenkii isniintii ee Dec, 05, 2011 ka dhacay Deegaanka seebaal oo u dhexeeya deegaanka Baki iyo Gabiley, kaas oo lagu dilay saddex nin oo goor habeenimmo ah la miray.

Dilkaas oo ahaa mid sharci darro ah, oo si bilow-aadantinimada ka baxsan loogu dilay dad aan waxba galabsan oo gurigooda iska hurda.
Xisbiga KULMIYE, isagoo dilkaas ka murugaysan waxa uu tacsi u dirayaa qoyayskii iyo ehlada ay ka geeriyoodeen raggaas la dilay.

Xisbiga KULMIYE,  isagoo soo dhawaynaya go’aanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu ku amray wax-ka-qabashada falkaas foosha xun, waxa uu ku boorinayaa Hay’addaha xukuumadda ee nabadgelyada u xilsaaran inay fuliyaan tallaabo adag oo si deg deg ah loogu soo qabanayo cid allaale cidii geysatay falkaa foosha xun oo sharcigana la horkeeno.

Xisbiga KULMIYE, waxa uu xukuumadda iyo hay’addaha kale ee dawladda u soo jeedinayaa inay ku tallaabsadaan hawlgal dhakhso ah oo si dhammaystiran wax loogaga qabanayo xaaladda taagan ee ku saabsan falkan foosha xun, si aanay u keenin xasarado kale oo wiiqa nabadgelyada iyo ammaanka guud, iyadoo si mug iyo miisaan leh loo waajaho dhacdadan iyo dhammaan duruufaha ku xeeran.

Ugu danbayn, xisbiga KULMIYE waxa uu ugu baaqayaa dadweynaha deegaanka falkaasi ka dhacay inay meel uga soo wada jeestaan ilaalinta nabadgelyada guud, kana feejignaadaan wax kasta oo doc-wareemaya wadajirka iyo nabad ku wada noolaanshaha dadka wallaalaha ah ee danta iyo deegaanku ka dhexeeyo.” Ayaa lagu yidhi qoraal saxaafadeedka Kulmiye.
Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee urur-siyaasadeedka WADANI C/raxmaan  Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ugu baaqay xukuumadda iyo hay’addaha amniga inay gacanta ku soo dhigaan  fuliyay falkaa, isla markaana waxa uu shacabka gobolada Awdal iyo Gabiley ku dardaaray inay nabadgelyada ilaaliyaan.
Guddoomiye Cirro  waxa sidaa ku sheegay shirjaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Ceerigaabo, iyadoo  wefti ka tirsan ururka WADANI oo uu hogaaminayaa booqasho ku marayaan gobolada Bariga Somaliland.  wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Waxa aanu tacsi u diraynaa qoysaskii ay ka geeriyoodeen saddexdii muwaadin ee shacbiga ahaa ee xalayto lagu miray Saameel oo ka tirsan degmada Baki. Waxaanu tacsidaa u diraynaa qoysaskii, qaraabadii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen saddexdaa muwaadin. Waxaanu ilaahay uga baryaynaa inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo, dhammaanteen-na inuu samir iyo iimaan innaga siiyo.”
Gudoomiyaha Wakiilada ee Ururka Wadani, waxa uu sheegay inuu falkaa canbaaraynayo, isagoo yidhi, “Waxaanu cambbaaraynaynaa falkaa foosha xun ee lagu dilay saddexdaa muwaadin. Waxa aanu xukuumadda iyo hay’adaha amniga u soo jeedinaynaa in gacan-ku-dhiiglayaashaas la soo qabto oo sharciga la horkeeno.”
Dhinaca kale wuxuu baaq nabadeed usoo jeediyay  bulshada deegaanka dhibaatadu ka dhacday, isagoo yidhi,  “Waxa kale oo aanu baaq nabadeed u diraynaa shacniga deegannadaas ku nool dhammaantood gaar ahaan deegaankii Baki ee ay ka dhacday dhibaatadadaasi. Shacbiga ku nool gabolada Gabiley iyo Awdal waxa aanu leenahay imtixaankii labaad weeye, kii hore waynu ku guulaysan-nay….insha’alaahu kanna waynu ku guulaysan doonaa. Shacbiga waxa aanu ugu baaqaynaa nabadgelyada guud iyo amniga inaynu wada ilaalino. Waxa aanu ku celinaynaa hay’adaha ambigu inay sida ugu dhaqsaha badan tallaabo uga qaadaan oo ay gacan-ku-dhiigleyaashaana soo qabtaan.”  Ayuu yidhi C/raxmaan Cirro Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Wadani.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *