Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga u taxaabatay  Abiib Diiriye Nuur (AbiibTimacad) oo ahaa La Taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha Siyaasada. Ninkaas oo ahaa qabqablayaasha deegaanka Gebilay. Ma jiraan wax war ah oo ay xukuumaddu kasoo saartay xadhiga Abiib Tmacad, balse

wararka qaar ayaa sheegaya in qabashadiisa lala xidhiidhiyay dhacdadii dilalka ee shalay 5 Dec, 2011, ka dhacay deegaanka Ceelberdaale ee Saameel, halkaas oo dablay aan tiradooda iyo kuwa ay yihiin la aqoonsani ku dileen sadex qof. Dhacdada dilalkaa ayaa kusoo beegantay iyadoo lasoo afjaray mushkilad hore mudo dheer uga taagnayd deegaankaa oo ah dhul Beeraley ah oo ay ku muransanaayeen qaybo ka mid ah Deegaanka Gabilay iyo Dilla oo ka tirsan Boorama.
Abiib Timacad wuxuu ka mid ahaa mujaahidiintii Ururkii SNM, isla markaana wuxuu xiligii Xukuumaddii Marxuum  Cigaal ee sagaashanaadkii noqday Wasiirka Ganacsiga, isagoo xiligii axsaabta lagaga dhawaaqay dalkana ka mid ahaa Ururkii SAHAN, balse ku biiray markii Ururkaasi ku hadhay doorashadii golayaasha deegaanka Xisbiga UDUB, kaas oo doorashadii Wakiilada kadib uu ka baxay una wareegay dhinaca Xisbiga Mucaaradka xiligaa ee KULMIYE oo uu ka mid ahaa waqtigan oo  uu ahaa la Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasada.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *