Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa Saaka Kulan deg deg ah  la qaatay Talisyada Guud ee Ciidanka Qaranka

 

iyo Taliyaha Booliska, Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo gaashaan Dhiga. Kadib markii dablay aan la aqoonsan tiradooda iyo haybtooda xalay  ku dileen deegaanka Galbeedka Gebilay ee Saameel sadex qof oo laba ka mid ahi ahaayeen Wiil iyo Aabihii.

Madaxweynaha ayaa Masuuliyiinta uu maanta la kulmay si adag  Amar ugu  siiyay inay Soo qabqabtaan dadkii geystay Dilkii xalay ka dhacay inta u dhaxaysa Magaalooyinka Gabiley iyo Boorama, wuxuuna si adag  u faray  in aanay ka hadhin cidii gaystay Falkaa.

Madaxweyne Siilaanyo oo kulankaa kadib kasoo saaray qasriga Madaxtooyada  qoraal  saxaafaddeed, ka hadlaya ujeedada Taliyayaasha ciidamada Milateriga iyo Booliska iyo sidoo kale masuuliyiinta Wasaaraddaha gaashaandhiga iyo Arrimaha Gudaha Somaliland. qoraalka  soo baxay Qasriga Madaxtooyadda ayaa  u qornaa sidan:-

“Xalay, gelinkii danbe meesha la yidhaahdo Saameel oo u dhaxaysa degmooyinka Gabiley iyo Baki waxa ka dhacay shil foolxun waxaana lagu dilay 3 nin oo aan waxba galabsan.

Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu saaka isugu yeedhay talisyada Guud ee Ciidanka Qaranka iyo Booliska iyo Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo gaashaan Dhiga waxaanu si Adag u Amray in ay raacdo galaan oo ay soo qabtaan dhagar qabayaashi dilkaas geystay meel kasta oo ay joogaana ay kaga daba tagaan.
Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiintaa ku adkeeyey in aanay ka soo hooyanin ilaa ay dhagar qabayaashaa soo qabtaan oo ay sharciga horkenaan.
Ugu danbay waxa uu Madaxweynuhu Tacsi u dirayaa qoysaskii iyo qaraabadii ay ka baxeen dadkaas ay gacanta ka xaqa darani dishay. Waxaanu leeyahay Ilaahay samir iyo iimaan haynaga siiyo iyagana naxariistii Janno ha ka waraabiyo.”

Dhinaca Kale Dablay hubaysan oo aan Haybtooda la Aqoonsan ayaa Xalay Toogasho ku Dilay Seddex nin oo ku sugnaa Meel Maqaaxi ah oo ku Taala Deegaanka Seemaal oo ka tirsan deegaanadii shaqaaqadu ka taagnayd ee Ceelbardaale,  halkaas oo ay ku nafwaayeen Alleh ha unaxariistee Seddex nin oo laba ka mid ahi isdhaleen, kuwaas oo kala ahaa  Marxuum Dayib Maal Axmed Iyo wiil uu dhalay oo magaciisu ahaa  Cumar Dayib Maal Axmed, halka  ninka sedexaadna magaciisa lagu sheegay Marxuum Ismaaciil Maxamuud Caateeye oo lagu naanaysi jiray (Af-madhan diid) oo ka mid ahaa dadkii madasha fadhiyay. Sida ay wararkaasi sheegayaan maydka dadkaa ayaa   lagu aasay  tuuladii lagu dilay ee Seemaal, iyadoo ay masuuliyiin badan oo ka tirsan xukuumadda Somaliland maanta u bexeen deegaankaa sidoo kale Odayaal, Xildhibaano iyo waxgarad kale ayaa u baxay deegaankaa.
Illaa hadda ma cadda sababta dilkani ku dhacay,  balse wararka qaar ayaa sheegaya in dhacdadaa foosha xun ee naxdinta leh ay  gaysteen Dablay Hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan warar kale ayaa sheegaya  inuu jiro  dhaawac dhawr  qof  oo kale soo gaadhay. kadib markii Tacshiirada rasaas ahi haleeleen.
Wararka kale ee la xidhiidha arrimahaa ayaa sheegaya inay xukuumadda Somaliland u dirtay deegaanka falkaasi ka dhacay Guutooyin ka tirsan Ciidanka Milateriga, kuwaas oo amar lagu siiyay inay gacanta kusoo dhigaan cidii fulisay falkaa foosha xun.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *