Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland, ayaa si rasmi ah uga hadashay waxa uga qorshaysan shirka arrimaha Somalia ee ka dhacay Istanbul oo ah dalka Turkiga 30 May 2012,  oo ay wax ka yar todobaad inaga xigaan. Qoraalka jawaabta oo maanta kasoo baxay xafiiska Af-hayeenka

 

Xukuumadda Somaliland, isla markaana ah Af-hayeenka rasmiga ah ee xukuumadda Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa lagu sharaxay  siyaasada go’aanka xukuumadda ee shirkaa. Kadib markjii ay Somaliland qoraal casuumad rasmi ah ka heshay xukuumadda Ankara todobaadkii hore.
Qoraalka saxaafada loo qaybiyay ee kasoo baxay xafiiska Af-hayeenka xukuumadda ayaa lagu sharaxay xubnaha ka qaybgelaya shirkaa iyo waxyaabaha lagaga hadlayo, wuxuuna  u qornaa sidan:-“Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland, isla markaana ah Afhayeenka rasmiga ah ee Xukuumadda Somaliland wuxu soo saaray War-saxaafadeed ku saabsan ka qaybgalka wejiga hore ee shirka magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Ka dib markii ay marti-qaad rasmiya ka heshay dawladda Turkiga 24/05/2012-ka, Xukuumadda Somaliland waxay go’aansatay inay ka qaybgasho wejiga hore ee shirka Istanbuul oo ku began 31-ka May/ 2012. Marti-qaadkan rasmiga ah waxa si cad ugu qeexan in dawladda Turkigu Somaliland ula dhaqmi doonto si ka geddisan sida loola dhaqmayo gobollada Soomaaliya. Dawladda Turkigu waxa kale oo ay marti-qaadkeeda ku caddaysay in la raaci doono hab-maamuuskii shirkii London ku qabsoomay 23 Febraayo 2012-ka.
Shirkan Istanbuul ku qabsoomi doona 31/05/2012, waxa lagu gorfeyn doonaa, isla markaana go’aammo lagaga gaadhi doonaa arrimaha la xidhiidha horumarinta iyo dhaqaalaha oo u kala baxa afar qaybood.
1.       U-adkaysiga, 2- Tamarta, 3- Biyaha iyo Waddooyinka. Maadaama oo uu Madaxweyne ku-xigeenku booqasho rasmiya ugu ambo-baxayo Jamhuuriyadda Jabuuti, Madaxweynaha Somaliland waxa uu u magacaabay in ay shirkaa Istanbuul ka qaybgalaan afarta Wasiir eek ala ah:
1.       Maxamed Cabdillaahi Cumar, Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah,
2.       Sacad Cali Shire,  Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka
3.       Axmed Cabdi Xaabsade- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud iyo Guryeynta
4.       Xuseen Cabdi Ducaale – Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha
Ugu dambayn waxaannu halkan ka caddaynaynaa in aannaan ka qaybgeli doonin, shaqana ku lahayn wejiga dambe ee shirka ee lagaga hadlayo waxan loo yaqaanno tubta nabadda (Road Mab-ka) oo aan khusayn Jamhuuriyadda Somaliland.” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay af-hayeenka xukuumadda Somaliland. Boobe Yuusuf Ducaale.
Dhinaca kale xukuumadda Somaliland ayaa hore u sheegtay inaanay ka qaybgelayn shirkaa ilaa wax laga bedelayo ajandaha shirkaa oo ku tilmaameen mid aan waafaqsanayn qodobadii kasoo baxay shirkii London 23 Feb, 2012, balse dawladda Turkiga, ayaa todobaadkii hore usoo dirtay Somaliland  casuumada shirkaa, iyadoo sheegtay in Somaliland loogu maamusayo biritakoolkii shirkii London oo kale.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *