Hillary ClintonWashington(ANN)Dawlada Maraykanka, ayaa qorshaynaysa hawlgal ciidamadeeda Milaterigu doonayaan inay ku af-duubaan shebkadaha dhinaca Internet-ka ee loo yaqaan website-yada Al-Qaidada Yamen.sidoo kalena digiin u jeediyay taageerayaasha Al-Qaida ee Yemen. Sidaana

waxa sheegtay
Xog-hayaha Arrimaha Debeda Maraykanka haweenayda Hillary Clinton oo la hadlaysay ciidamada Gala Dinner ee hawlgalada khaaska ah, Arbacadii todobaadkan, waxayna sheegatay inay Washington Milateri  ahaan iyo siyaasad ahaanba la dagaalamayso cadawgeeda.
Hillary Clinton waxay sheegtay inay Al-Qaida Yemen ay bilaabeen kaanbayn ay isku xayaysiinayaan, isla markaana websaydada qabiilooyinka ku faafiyay inay laynayaan Maraykanka, taas oo ah mid ay ku doonayaan inay kusoo jiitaan taageerayaal cusub ayay tidhi.
Xig-hayaha Arrimaha  Debeda maraykanka, ayaa sheegtay inay 48 kii saacadood ee ugu danbeeyay heleen xoggo iftiiminaya sida ay A-Qaida u doonayaan weeraro ay ku qaadaan dadka reer Yamen, waxaanuna u sheegaynaa inaanu awoodayada isticmaalayno oo aanu la socono dhaq-dhaqaaqooda,  sababtoo ah waanu daba gala, dadka Yamana, waxaanu leenahay ha rumaysanina waxyaabaha aad ka akhrisataan Internetka.  Sidaa awgeed, waxay ku hanjabtay Hillery inay isticmaalayaan aaladaha lagu ogaanayo qalabka ay isticmaalayaan Al-Qaida ee Computerada, shebekadaha kale  iyo goobaha ay Internet-ka ka isticmaalayaan oo dhibaato loo geysanayo, iyadoo koox khaas ahi hawlahaa fulinayso.
Dhawaaqa hanjabaada ah ee Xog-hayaha Arrimaha debeda ee Maraykanka ayaa kusoo beegmay, iyadoo ay dalka Yemen ka socdaan dagaalo u dhexeeya ciidamada dawladda iyo Al-qaidada Yemen ee lagu magcaabo ansaaru Shareeca, kuwaas oo hawgalo qaraxyo lagu hoobtay ka fuliyay dalkaa todobaadkan, isla markaana  kusii fidaya inay gacanta ku dhigaan dalkaa. Kadib markii ay fursado ka heleen kacdoonadii xukunka lagaga wareejiyay Cali Cabdalla Saalax Madaxweynihii hore dalkaa dabayaaqadii sanadkii hore.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *