Garoowe(ANN)Maaumul goboleedyada Somalia ee  Puntland iyo Gal-mudug, ayaa ku gacansaydhay inay ka qaybgalaan shirka Arrimaha Sooomaaliya ee loo qorsheeyay in lagu qabto Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga 31 May 2012. Sida lagu sheegay

qoraal saxaafada loogu talo galay oo ay horjoogayaasha labada Maamul goboleed wada jir usoo saareen maanta, waxay shirkaa  ku tilmaameen inuu yahay mid dhinac ka raran oo aan bulshada Soomaaliyeed waxba  laga weydiin, isla markaana aan la garanayn doorka xukuumadda Ankara ee Turkigu ka ciyaarayso arrimaha Soomaaliya iyo Ujeedooyinka ay ka leedahay.
Qoraal saxaafadeedka ay wadajirka  usoo saareen Puntland iyo Gal-mudug oo ay ku saxeexan yihiin labada horjoogayaasha labadaa Maamul goboleed C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole ) iyo Maxamed Axmed Caalin waxay si cad  ugu sheegeen inay ka laabteen oo ay faraha kala baxeen, ka qaybgalka shirkaa, iyagoo ku dhaliilay shirka Isatanbul II, inuu yahay mid majarihii ka leexiyay Heshiisyadii hore,  isla markaana wado cusub jeexaya.
Dhawaaqa labada maamul ay ku qaadaceen shirka istanbuul, ayaa kusoo beegmay iyadoo ay Somaliland aqbashay inay qayb ka mid ah shirkaa ka qaybgelay. kadib markii wax laga bedelay maqaamka lagu casuumay. sidoo diidmada labada maamul ee shirkaa ayaa timi  maalin kadib markii dawladda Trkigu Diyaarad  ku daabushay Odayaasha dhaqanka ee shirka la doonayay in lagu soo xulo ergada dastuurka ansixinay uga socday Muqdisho,  kuwaas oo ay dawladda Ethiopia maamulaysay, balse dawladda Turkigu shalay  dalkeeda geysay, iyadoo aan waxba kala socodsiin dawladaha ku hawlan arrimaha Somalia iyo  xukuumada taagta daran ee Somalia oo iyana sheegtay inaanay waxba kala socon sababta ay Odayaashaa u qaaday dawladda Turkigu.
Talaabada ayaa ka cadhaysiisay wadamada gamcaha kula jira siyaasada Somalia qaarkood oo u arkay Turkiga inuu keligii maroorsaday arrimaha Somalia. waxaana suurta  ah inay dhawaaqa maamulada Puntland iyo Galmudug  ku qaadaceen shirka Istanbuul  xidhiidh la leedahay loolanka wadamada ku hirdamaya Arrimaha Somalia.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *