Hargeysa(ANN)Ciidammada Booliska magaalada Hargeysa ee Somaliland, ayaa maanta Xabsiga u taxaabay Agaasimaha maamulka Wargeyska madaxa-bannaan ee Ogaal, ka dib markii wargeysku maanta daabacay war ku saabsan in maleeshiyo ka tirsan Jabhadda ONLF ay ka soo degeen

xeebta galbeedka Somaliland ee Bulo-caddo, warkaas oo ay xukuumadda Somaliland  sheegtay inaanay waxba ka jirin.
Agaasimaha maamulka iyo xisaabaadka Wargeyska Ogaal Xasan Cumar Xasan, ayaa amarka lagu xidhay la sheegay inuu bixiyey Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), ka dib markii uu Talefoonkiisa gacanta kala soo hadlay gelinkii hore ee maanta, isaga oo u sheegay in looga baahan yahay Wasaaradda arrimaha gudaha Xarunteeda Hargeysa, maaddaama oo uu yahay maamulka Ogaal. Iyada oo aan xadhiggiisa loo soo jarin wax waaran ah.
Haseyeeshee, Xasan Cumar Xasan markii uu gaadhay xarunta Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa la sheegay in wasiirku amray in la xidho waxaana la geeyay xarunta CID-da ee magaalada Hargeysa halkaasi oo uu wali ku xidhan yahay.
Waxa sidoo kale halkaa lagu xidhay Weriye ka tirsan Shabakadda Ramaasnews Maxamed Boosh, oo iyada wargeysku ka soo xigtay warkaasi.
Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa qoraal ay soo saareen oo uu ku saxeexnaa Maxamed Axmed Jaamac waxay ku cambaareeyeen xadhiga suxufiyiintan oo ay ku doodeen inaan xadhigooda loo marin sifo sharciya.
Qoraalka ururka SOLJA waxa uu u dhignaa sidan:- “Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA wuxuu cambaaraynayaa xadhigga lagula kacay labada Suxufi ee Xasan Cumar Xasan oo ka tirsan Wargeyska Ogaal iyo Maxamed Cabdi Xasan (Boosh) oo ka tirsan Shabakadda wararka ee Ramaasnews, kuwaas oo si aan waafaqsanayn shuruucda dalka xorriyaddoodii looga qaaday maanta oo ay taariikhdu tahay 20 February 2012, iyada oo lagu eedeeyay inay qoreen war.
Tebinta xogta iyo wararku waa tiir ka mid ah tiirarka ay u taagan tahay saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland, isla markaana waxa waajibinaya shuruucda dalka u taala, gaar ahaan qodobka 32 ee Dastuurka Qaranka, waxase mar walba waajib ah in la dhawro shuruucda dalka u taalla. Waxase mar walba aanu ka horjeednaa tallaabo kasta oo ka dhan ah xorriyatul-qawlka, taas oo loo qaado sifo aan waafaqsanayn sharciyadda dalka.
Waxaanu xukuumadda Somaliland ugu baaqaynaa inay xorriyaddooda u soo celiso labada suxufi, si shuruud-laáan ah.”
Dhinaca kale,. Taliyaha Ciidanka Ilaaladda Xeebaha Somaliland Axmed Aw Cismaan ayaa maanta si adag u beeniyay warkaasi waxaanu ku sifeeyay been abuur culus oo nusqaaminaya hawl galadda ciidammada ilaalada xeebaha waxna u dhimaya ammaanka xeebaha dalka oo uu ku dooday inay yihiin kuwo xafidan.
Taliyuhu wuxuu intaasi ku daray in Suxufiyiintan looga baahan yahay inay soo cadeeyaan wax uu ugu yeedhay warka aan jirin ee ay baahiyeen.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *