Boosaaso(ANN)Koox Budhcad-badeeda ka qawlaysta gaadiidka badda xeebaha Somalia ayaa Afduubay Markab shixnad bagaash, gaadiid  iyo badeecado kala duwan u siday ganacsato Somaliland ah. Markabkaa oo lagu magcaabo M V . Layla-S oo uu leeyahay ganacsade u dhashay Cambodia  ayaa kooxo

 

budhcad-badeedi ka Afduubeen xeebaha Cumaan doraad, isla markaana u jiheeyeen xeebaha dhinaca galbeed ee Boosaaso. 
Mid ka mid ah Wakiilada Wakaaladaha Maraakibta ee xafiisyada ku leh Berbera ayaa u sheegay shebekada wararka ee Araweelonews in shalay uun la ogaaday afduubka markabka, isla markaana ay socdaan wada hadalo kooxda Markabka haysta, kaas oo sida uu xusay la rumaysanyahay inaanu ka fogayn xeebaha duleedka Boosaaso.
Dhinaca kale warar aanu ka helay dhinaca Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya inay suurta gal tahay in markabkaa oo u rarnaa ganacsato Somaliland ah lasii daayo saacadaha soo socda, balse tibaaxaha laga helayo kooxda Budhcad-badeeda ee ku xoogan deegaankaa ayaan sheegin inay madaxfurasho ku xidhayaan iyo in kale. Laakiin waxa la xaqiijiyay inuu jiro wada hadal u dhexeeya kooxdaa afduubka u haysata markabka iyo qaar ka mid ah ganacsatada uu badeecadaha u siday.  Sidoo kale Markabkaa MV Layla ayaa la sheegay inay saarnaayeen 15 qof oo  shaqaale ah, kuwaas oo u dhashay dalalka Pakistan, India, Syria,Bangladesh iyo Somalia, iyadoo  ay saarnaayeen hanti Gaadiid, Bagaash iyo Badeecado kala duwan oo lagu qiyaasay malaayiin dollar,  isla-markaana kooxda budhcad-badeeda ah ee afduubtay ayaa wararka qaar sheegayaan inay geeyeen duleedka xeebta Hobyo ee usii jeeda badweynta India, halkaas oo ka mid ah meelaha xarumaha iyo fadhiisimada u ah Budhcad-badeeda, iyadoo markab kuwa shidaalka qaada ah ay todobaadkan ka af-duubeen xeebaha Badweynata India, markabkaas oo sitay calanka  dalka Geek, kaas oo ay geeyeen xeebaha duleedka Hobyo      ee ay  ku haystaan maraakiib ay qaarkood haysteen muddo sanad ka baddan iyo boqolaal qof oo ajaanib ah oo saarnaa maraakiibtaa.
Maaha markii u horaysay ee kooxaha Budhcad-badeedu afduubaan Markab sidan oo kale badeecado u sida Somaliland oo kusoo jeeda Dekeda magaalada Berbera, balse sanadkii hore ayay markab shidaal u siday ganacsato Somaliland ah ka afduubeen xeebaha duleedka Boosaaso, kaas oo markii danbe lasoo daayay. Kadib markii ay Salaadiin iyo ganacsatada uu markabku shidaalka u siday qaarkood ka tageen Somaliland ee ay wada hadal la galeen kooxihii afduubka u haystay markabkaa. 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.co

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *