Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaarradda Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay inay Xukuumadda Somaliland diyaar u tahay inay dadka Sool iyo Buuhoodle kala hadasho wax kasta oo aan ahayn qaranimada iyo gooni isu taaga Somaliland. sidoo kale waxa uu sheegay in Somaliland

 

ka qaybgashay shirka London iyadoo madax-banaanideeda haysata, isla markaana  caalamka kala shaqayso sidii nabad-gelyo loogu soo celin lahaa Somaliyada qalalaasuhu hadheeyay.
Wasiirku wuxuu sidoo  kale xusay  inay Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu ay tallo qaran ku tageen shirka dawladda Ingiriisku  23-ka bishan ku qabanayso magaaladda London.
Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sidaasi ku sheegay hadal uu maanta ka jeediyay xafladii lagu xusayay maalintii dhagaxtuurka, waxaanu yidhi “Waxaan doonayaa inaan kalmad ka yara xuso shirka London ee madaxweynaha Somaliland tagay. Shirka London waa mid lagu tagay tallo qaran waa shir dunidu ka shirayso wixii Soomaaliya la isku odhan jiray maxaa laga yeelayaa? Iyo Somaliland oo taalla miiska oo wax-qabsatay oo horumartay oo maqaam fiican taagan in dunida loo bandhigo. Waxay inoo tahay tallaabo hore loo qaaday waa in la inaga barto khibrad oo aynu dunida kala shaqayno in Soomaaliya lagu soo celiyo nabad. Inagoo Somaliland ah oo cidna aan gorgortan ka gelinayn madax-banaanideena aynu goosanay haddana duniddu waxay marti inooga tahay dadka walaalaheen ah ee aynu madax banaanida ka qaadanayna waxay inaga sugayaan wax la qabasho iyo sidii aynu kaalintaas uga soo gudubnay inaynu wax kala qabano. Waana dhib ku soo gaadhaya haddii aad ka dhego adaygto jaarkaaga.”
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Arrinta shirkan waxa laga galay shirar badan waxa laga tallo-geliyay salaadiinta,culimmadda, xisbiyadda iyo ururadda. Waxa kale oo laga tallo geliyay oo waliba loo bandhigay Goleyaasha qaranka iyo waliba golaha wasiiradda oo saddexda gole-ba waxay isku raaceen in la tago shirka London”
Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sheegay inay xukuumada uu ka tirsan yahay mar-walba diyaar u tahay sidii ay wada hadal iyo gogol nabadeed ugu dhigi lahayd waxgaradka Sool iyo Buuhoodle, waxaanu yidhi “Anigoo ku hadlayaa afka xukuumadda, bariga waxaanu ugu baaqaynaa Sool iyo Sanaag dadka shaqaaqada ka wada ee naga mid ka ah in ay nabad qaataan oo ay yimaadan gogashii uu madaxweynuhu u fidiyey. Dadka qaar siyaasiyiin ah ayaan ka maqlayey iyaga oo leh gogashii Hargeysa ma soo dhaaftee meeday?.”
“Gogasha dhaqanku waxa weeye in jawaabteedii la helo cidii aqbashay ee lala fadhiisanaayo waa inay ku dhawaaqdaa inay gogashii diyaar u yihiin oo dabadeed gogashii la wada fadhiisto. Waxa kasta oo aan ahayn madaxbannaanida Somaliland iyo jiritaankeeda diyaarbaanu u nahay in aynu ka wada hadalo,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *