Hargeysa(ANN)Ciidamada Booliska ayaa maanta xabsiga  u taxaabay Boqor Raabi Yuusuf C/llaahi, oo ka mid ah madax dhaqameedka gobolka Hargeysa.  ka dib markii uu xalay Warbaahinta uu ka sii daayay wax loogu yeedhay af-lagaado iyo eedaymo culus oo uu u jeediyay

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Taliyaha Ciidanka Somaliland Cilmi Rooble Furre, ayaa BBC-da u sheegay in xadhiga Boqorku ay ka dhalatay markii uu warbaahinta ku qoray aflagaado iyo eedaymo culus oo uu u jeediyay Xukuumadda, isla markaana ku baaqay inay shir beeleed isugu yimaadaan.
Boqor Raabi wuxuu warbaahinta maxaliga ah qaarkood ka sheegay inaanay Madaxweyne Siilaanyo tallada dalku gacanta ugu jirin oo ay maamulaan wax uu ugu yeedhay kooxo ka sokeeya madaxweynaha.

Waxa kale oo uu baaq u diray Salaadiinta Somaliland oo uu u soo jeediyay inay shir iskugu yimaadaan, kaas oo sida uu sheegay lagaga tashanayo ayaaha mustaqbalka dalka.
Maaha markii u horaysay ee uu dhaliilo iyo canbaarayn usoo jeediyo Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo, balse tan iyo markii ay xilka la wareegtay Xukuumadda cusubi, wuxuu Mr. Raabi eedaymo iyo canbaarayn kulul u marinayay Xukuumadda shebekadaha internetka qaarkood iyo warbaahinta maxaliga ah, kuwaas  oo  ku naqdiyay  hogaanka cusub ee xukuumadda Somaliland.

Boqor Raabi oo hore u ahaa ganacsade, wuxuu ka hor intii aanu qaadan magaca madax dhaqameedka haystay Huteelka Dalxiis ee Af-faafka Biriishka Hargeysa, balse markii uu qaatay xilka  madax dhaqameedka, wuxuu mudo ka dib u wareegay dhinaca Koonfurta Somalia, isagoo ka qaybgalay shirkii dib u heshiisiinta kooxaha Somalia ee Kenya 2006, wuxuuna xiligii ay xuukuumaddii C/llaahi Yuusuf usoo guurtay magaalada Bayshabo ka furtay Huteel, kaas oo uu markii danbena dhinaca Muqdisho ula wareegay. Laakin wuxuu markii danbe kusoo laabtay dhinaca Somaliland, waxaana ay xukuumaddii Somaliland ee waqtigaa Daahir Rayaale u taxaabtay Xabsiga oo uu mudo ku xidhnaa.

Boqor Raabi  oo  markii danbe lagu  sii daayay damiin,   iyadoo aan wixii mudadaa ka danbeeyay lagu arag saaxada, balse wuxuu galka seefta ka saaray oo uu si weyn warbaahinta ugu soo noqnoqday markii ay Xukuumadda cusub ee Axmed Siilaanyo la wareegtay xilka dabayaaqadii sannadkii tegey, isagoo dhaleecayn iyo canbaaray u jeediya Xukuumadda, taas oo sababtay inuu ugu danbayntii ku baaqo inay madax dhaqameedyadu isugu yimaadaan shir beeleed lagaga tashado sida uu sheegay aayaha dalka.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *