Burco(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa meesha ka saaratay labadii qaybood ee Ciidanka Bilayska Gobolka Togdheer xukuumaddii Rayaale  u qaybisay sannadkii hore , isla markaana meel keliya isugu soo celisay maaulkii Taliska Qaybta Bilayska Gobolka Togdheer oo u qaybsanaa laba qaybood, kuwaas

 

oo kala ahaa Barri Iyo Galbeed. Waxaana Qaybta laysugu keenay maamulka Bilayska Gobolka loo magcaabay maanta Taliye cusub oo isla maantaba xilka la wareegay.  
Col.  Axmed Yuusuf Ubaxle (Dhega Cadde) oo maanta loo magcaabay xilka ayaa u sheegay shebekada wararka ee Araweelonews oo kula xidhiidhay Telefoonka inuu maanta la wareegay xilka, isla markaana uu hawshiisa bilaabay. Kadib markii Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland xilkaa u magcaabay maanta.

Xukuumaddii Madaxweyne Rayaale ayaa horaantii sannadkii 2010, waxay taliska Qaybta Bilayska ee gobolkaa u qaybisay laba qaybood oo Barri iyo Galbeed ah, iyadoo loo sameeyay xarun dhexe oo labadaa qaybood laga xukumo, balse dadka gobolka togdheer ayaa xiligaa aad uga qayliyay qaabka ay xukuumadu u qaybisay maamulka Bilayska oo ay ku tilmaameen mid dhaawacaysa nabadgelyada gobolka iyo midnimada ummada. Laakiin dhawaaqyada ka imanayay xiligaa shacbiga togdheer iyo axsaabta mucaaridka waxa gebi ahaanba iska dhega tirtay xukuumaddii waqtigaa.

Waxaana la rumaysan yahay in qorshaha xiligan ay Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Siilaanyo ku baabiisay labadii qaybood ee Bilayska gobolka togdheer, isla markaana hal meel keliya isugu soo celisay ay tahay mid ka dhalatay habacsanaan iyo kala daadsanaan dhinaca maamulka Bilayska ee gobolka togdheer, isla markaana talabaadan ayaa kusoo beegantay maalmo yar ka hor markii ay ciidamada amaanku halkaa kasoo qabteen koox ay Xukuumadda Somaliland sheegatay inay maleegayeen falal lid ku ah qaranimada iyo nabadgelyada Somaliland oo ka tirsan kooxda Al-shabaab ooh ore weeraro uga fuliyay Somaliland.    

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *