Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa C/raxmaan Jaamac Hayaan oo ay weheliyaan Garsoorayaasha Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa shaaca ka qaaday in aanu garsoorka Somaliland dhaqaale ahaan, maamul ahaan iyo xukunadda ay ridaanba u madaxbannaanayn, sidaa

 

darteedna loo baahan yahay in xukuumaddu madaxbannaanayso garsoorka si ay bulshadu u hesho caddaalad sugan.

Sidaana waxay ku sheegeen shirjaraaid oo ay wadajir u qabteen shalay, isla markaana ku soo bandhigeen waxqabadkii garsoor ee maxkamadda sannadkii la soo dhaafay ee 2010. Kaas oo ay  si weyn  uga qaliyeen madaxbannaani la’aanta hay’addaha garsoorka dalka oo ay ku tilmaameen mid aan dhaqaale ahaan iyo maamul ahaan toona u madaxbannaanay oo ay cunaha kaga duuban yihiin siyaasiyiin, madaxdhaqameed, iyo tujaar.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Garyqaan C/raxmaan Jaamac Hayaan ayaa shirkaa jaraa’id ka akhriyey qoraal lagu soo koobay dacwadaha kala duwan ee maxkamadda soo galay sannadkii 2010 oo tiradoodu dhan tahay 1153 kiis, laguna soo oogay 2000 (laba kun) eedaysane, dhibanayaalna ka ahaayeen 938 qof, kiisaskaas oo uu tilmaamay in 820 ka mid ah go’aan laga gaadhay, halka 110 kalena hadda gacanta lagu hayo.

Mr. Hayaan waxa uu intaa ku daray in ay sannadkii hore hoos u dahceen tirada dacwadaha madaniga ah ee maxkamadda soo galay marka loo eego sannadihii ka horreeyey.
Waxa kale oo uu Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa walaac wayn ka muujiyey madaxbannaanida hay’adaha garsoorka ee dalka oo uu ku sifeeyey mid kala dhantaalan oo saamayn mug leh ku yeelatay gudashada waajibaadkooda caddaaladeed, isagoo carrabka ku dhuftay in ay mushkilad joogto ah ku hayaan dad uu ku tilmaamay af-miishaaro ku hawlan sumcad ka dilista halwaha garsoor ee maxkamadaha.

Sidoo kale, Mr. Hayaan waxa uu cabasho ka muujiyey agabka xafiisyada maxkadaha iyo gaadiid la’aan haysatay labaatankii sanno ee Somaliland jirtay iyo weliba dhibaato ka haysata ciidammada ammaanka oo aan u tababarnayn hawlaha garsoorka, sidaa daraadeedna waxa uu xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay in ay si degdeg uga hawlgasho dib-u-soo celinta madaxbannaanidii waaxda Garsoorka, si taas loo helana waxa uu ku taliyey arrimaha, “Garsoorku waa inuu madaxbannaanaado, si haddaba loo helo garsoor madaxbannaan waa inuu maaliyadiisa u madaxbannaanaado, maanta garsoorku uma madaxbannaana maaliyadiisa oo mushaharka iyo dhaqaalaha hawlihiisa kaleba hay’ad kale ayaa gacanta ku haysa, taasi waa dhinac ka mid ah madaxbannaanidii oo maqan. Garsoorku waa inuu maamul ahaan madaxbannaanada, qayb ka mid ah maamulkiisa Wasaaradda Caddaaladda ayaa maamusha.
Garsoorku waa inuu xukunkiisana u madaxbannaanado.

Garsoorku marka uu intaas oo arrimood helo ayuu madaxbannaanayaa, waana waxyaabaha dawladda kaga maqan ee uu ka sugayo in wax laga qabto oo la habeeyo, una baahan yahay oo garsoore iyo kalkaaliyeba maamulkayaga iyo dhaqaalahayagaba naloo dhammaystiro, waa taa farriinta aan gaadhsiinayo dawladda iyo ummaddaba,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan.

Sidoo kale, Sheekh Faarax Nuur oo ka tirsan garsoorayaasha maxkamadda Gobolka Hargeysa oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay dhinacyo kala duwan oo uu sheegay inay farogelin iyo culays wayn ku hayaan garsoorayaasha kiisaska qaada.
“Dhibaatada ugu darani waxa weeye haddii qof dambi gala la xidho waxa khaati laga taagan yahay oo imanaya xildhibaan Baarlamanka ama Guurtida ka tirsan, wasiir, suldaan iyo caaqil,” ayuu yidhi garsoore Sheekh Faarax.

Dhinaca kale waa markii u horaysay ee Garsoorayaal maxkamaddaha Somaliland sidan oo kale uga cawdaan madaxbanaanida garsoorka, iyadoo xisbiga talada haya  ee Kulmiye xiligii uu mucaaridka ka dayrin jiray madaxbanaanida garsoorka oo ay balanqaadeen inay wax ka qabanayaan.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *