Hargeysa(ANN)Urur siyaasadeed cusub oo la baxay NUUR (National Union  For  Ultimate Refroms),  ayaa  maanta lagaga dhawaaqay  Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Munaasibad si balaadhan loo soo agaasimay oo lagag dhawaaqay urur siyaasadeedka  cusub oo ku biiraya ururadii hore

loogu dhawaaqay ee siyaasada, waxa kasoo qaybgalay, Siyaasiyiin,  Aqoonyahano, Salaadiin, Dhalinayaro iyo Haween.
Gudoomiyaha ku meelgaadhaka ah ee Urur siyaasadeedka Nuur, Xildhibaan Axmed Xasan Sandoon, isla markaana  ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka Hargeysa oo xiligii Ururada lagaga dhawaaqay Somaliland  doorashadii golayaasha deegaanka ee 2002, ka mid ahaa dadkii Ururada Siyaasada sameeyay, hadana ku dhawaaqay Ururkan cusub ayaa madasha ka hadlay , wuxuu ka waramay ujeedada loo aasaasay Ururkaa, isagoo sheegay inay  Ururka NUUR xubno ka yihiin dad isugu jira siyaasiyiin, aqoonyahan iyo dhalinyaro faro baddan.


Gudoomiyaha Ururkaa Axmed Xasan Sandoon oo sharaxaad ka bixiyay  urur siyaasadeedka iyo waliba sababta ay u xusheen inay Magaciisa ka dhigaan NUUR, ayaa sheegay  in ururkan ay ku midaysan yihiin guud ahaan gobolada dalka, isagoo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi,  “Ururka magaciisu waa Nuur waxaanu ka kooban yahay xarfo faro badan oo aanu ka soo min-guurinay maskaxdayada waana (NATIONAL UNION FOR ULTIMATE REFORM) oo macnaheedu yahay isbadal joogto ah, haddii aan ku guulaysano waxaanu doonaynaa inaanu dalka u dhigno isbadal joogto ah oo caalamka la socda oo tijnoolajiyada la socda oo caqliga la socda.”
Mr. Sandoon  waxaanu isaga oo tilmaamaya meelaha ay doonayaan inay wax ka bedalaan haddii ay guulaystaan yidhi,  “Waxaanu doonaynaa inaanu Nuur-kaa ku shidno daalinka oo musuqmaasuqa waanu ku qabanaynaa, waxaanuna doonaynaa inaanu wax kaga badalno dhaqan siyaasadeedka ee ay ku dhaqmaan xukuumadaha isbadalaa, tusaale ahaan askariga tuuga ka daba carara ee tuugu wax ku soo rido, askariguna u jawaabo marka uu dhinto (Tuugu) askariga ayaa magta laga qaadaa, taasi oo kale waanu badalaynaa, mida kale Macalinku karaamo ayuu lahaan jiray, laakiin imika malaha oo ardaygu kama xishoodo, macalinku mushahar ku filan ayuu qaadan doonaa oo karaamadiisa ayaa soo noqon doonta.”


Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka NUUR, waxa uu shacabka ka dalbaday inay ururka ugu duceeyaan inuu noqdo mid hirgala, isaga oo sidoo kalena tilmaamay inay ururka ku soo dhawaynayaan dhalinyarada,  “Ururkani wuu furmay, idinkana (shacabka) waxaanu idinka baryeynaa inaad noogu ducaysaan inuu hirgallo, dhalinyartana waxaanu ku soo dhawaynaynaa siyaasada dalka.” Ayuu yidhi waxaanu intaa raaciyey “Dhalinyarada waxa looga baahan-yahay inay deegaanadoodii iska sharaxaan oo ay ku ekaadaan deegaanka ay u dhasheen, waxa kale oo aad ogtihiin dalkeena  waxa madax ka ah gabadh kaliya oo Gabiley Maayar ka ah,  magaceedu ha jiro way wanaajisay (Gabiley) oo raggii xildhibaanada ahaa way dhaaftay, markaa dumarka waanu ku soo dhawaynaynaa siyaasada”


Munaasibadan oo sidoo kale looga baruur diiqay dadkii lagu laayey deegaanka Seemaal ee lagu muransan yahay ayaa waxa kale oo ka hadlay Maxamed Odowaa oo ka mid ah saraakiisha ururka lagu dhawaaqay waxaanu sheegay in ururku aaminsan yahay in Somaliland tahay dal halgan ku yimid oo jiritaankiisu Muqadas yahay “Ururkan waxa uu aaminsan yahay in Somaliland tahay dal ku yimi halgan hubaysan oo naf iyo maalba loo huray oo gooni isu-taagiisu Muqadas yahay.”ayuu yidhi Maxamed Odowaa oo ah afhayeenka guddidii qabanqaabada Munaasibada ururka lagaga dhawaaqay.
Ugu dambayn waxa halkaasi hadal kooban ka soo jeediyay Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan, waxaanu wax ka tilmaamay muhiimada ururkani u leeyahay bulshada, isaga oo sheegay inuu soo dhawaynayo ururkan cusub ee NUUR.
Suldaanku waxa uu Tacsi u diray ehelada dadkii lagu laayey deegaanka Seemaal ee u dhaxeeya degmada Baki iyo Gabilay, isaga oo soo jeediyay in arintaasi wada hadal lagu dhameeyo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *