Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga u taxaabatay Abiib Diiriye Nuur (AbiibTimacad) oo ahaa La Taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha Siyaasada. Ninkaas oo ahaa qabqablayaasha deegaanka Gebilay. Ma jiraan wax war ah oo ay xukuumaddu kasoo saartay xadhiga Abiib Tmacad, balse
wararka qaar ayaa sheegaya in qabashadiisa lala xidhiidhiyay dhacdadii dilalka ee shalay 5 Dec, 2011, ka dhacay deegaanka Ceelberdaale ee Saameel, halkaas oo dablay aan tiradooda iyo kuwa ay yihiin la aqoonsani ku dileen sadex qof. Dhacdada dilalkaa ayaa kusoo beegantay iyadoo lasoo afjaray mushkilad hore mudo dheer uga taagnayd deegaankaa oo ah dhul Beeraley ah oo ay ku muransanaayeen qaybo ka mid ah Deegaanka Gabilay iyo Dilla oo ka tirsan Boorama.
Abiib Timacad wuxuu ka mid ahaa mujaahidiintii Ururkii SNM, isla markaana wuxuu xiligii Xukuumaddii Marxuum Cigaal ee sagaashanaadkii noqday Wasiirka Ganacsiga, isagoo xiligii axsaabta lagaga dhawaaqay dalkana ka mid ahaa Ururkii SAHAN, balse ku biiray markii Ururkaasi ku hadhay doorashadii golayaasha deegaanka Xisbiga UDUB, kaas oo doorashadii Wakiilada kadib uu ka baxay una wareegay dhinaca Xisbiga Mucaaradka xiligaa ee KULMIYE oo uu ka mid ahaa waqtigan oo uu ahaa la Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasada.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com