Hargeysa(ANN) Xukuumadda Somaliland ayaa saaka xabsiga u taxaabaty koox suxufiyiin ilaa dhawr iyo toban ah oo mudaharaad saaka la hortegey qasriga Madaxtooyada Somaliland, kuwaas oo sitay Boodhadh ay ku qorantahay


 

 

 


xoriyada saxaafadu waa lama taabtaan.
Suxufiyiintaa ayaa ka cadhooday kadib markii xukuumadda Somaliland xalay albaabada u laabtay xarunta Telefishanka Horn cable Tv, ee magaalada Hargeysa.

Suxufiyiintaa oo oo tiradoodu gaadhaysay markii ay Boolisku qabteen labaataneeyo ayaa qaarkood lasii daayay mar danbe , balse  15 ka mid ah  isla markaana intooda badani yihiin kuwa ka hawlagala Telefishanka Horn cable ee xukuumaddu xarumihii uu ku lahaa hargeysa xidhay habeen hore ayaa weli ku xidhan saldhiga.  Ururka suxufiyiinta  SOLJA ayaa ku canbaareeyay talaabada ay xukuumaddu ka qaaday suxufiyiintaa oo cabasho mudaharaad ah la hortegey aqalka madaxtooyada saaka subaxnimadii.
Hase yeeshee wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamuud Nuur Carraale (Duur) ayaa ka hadlay sababta ay ciidamada boolisku u xidheen suxufiyiintaa, wuxuuna sheegay inay ku gefeen sharciga iyo qawaaniinta u yaala oo ay ixtiraami waayeen, isla markaana qaarkood laga helay hub ay siteen oo galeen wax aan shaqadooda ahay. “maalmahan intii uu socday shirka Taleex warbaahinteena waad arkaysay oo way buun-buuninayeen, iyagoo miisaan aanu lahayn siinayay shirkaa Taleex, waana gef oo may ixtiraamin qaranimada, shacbigaba iyo nidaamka dawliga ah ee dalka.’ ayuu yidhi.
Wasiirka Arrimaha gudaha waxa uu sheegay  inay ciidmada Booliska Somaliland sifo sharci u mareen talaabada ay xukuumaddu ku xidhayay  xarumihii Telefishanka Horn cable, balse ay ixtiraami waayeen sharcigii, iyadoo ay socoto baadhis uu sheegay in lagu hayay telefishankaa. Sidaa awgeed aanu jirin sharci ogolaanaya inay shaqayso meherad lagu wado baadhis oo loo haysto denbi.
Dhinaca kale warar la xidhiidha talaabada ay xukuumadda Somaliland ka qaaday telefishankaa ayaa sheegaya in Mulkiilaha telefishanka Horn cable Farxaan  Xaaji cali uu maanta madaxtooyada kula kulmay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda oo ay ka wada hadleen xadhiga xarumaha Telefishanka, iyadoo tibaaxo kulankaa kasoo baxay oo hoose sheegayaan inuu mulkiilaha telefishanku garwaaqsaday waxyaabaha lagu eedaynayay horn cable, isla markaana uu balanqaaday  inuu saxayo wixii dhinacooda ka khaldamay oo ay raali gelin ka bixinayaan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com    
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *