Paris(ANN)Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UDUB. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa gaashaanka ku dhuftay go’aan ku simaha Guddoomiyaha xisbiga Axmed Yuusuf Yaasiin uu ku sheegay inuu xilkii kaga qaaday Ku simaha Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB C/Xaliim Maxamed Muuse

 

todobaadkii ina dhaafay.
Guddoomiyaha UDUB oo qoraal kooban ka soo saaray dalka Faransiiska oo uu degan yahay u kala diray Guddoomiye ku xigeenkiisa iyo Ku simha Xoghayaha xisbiga UDUB wuxuu ku sheegay in C/Xaliiim Maxamed Muuse uu ahaanayo ku simaha Xoghaya inta la iskaga imanayo.
Qoraalka Guddoomiyaha UDUB wuxuu u dhignaa sidan:- “Mudane Guddoomiye Ku xigeen adiga ayaa C/Xaliim u magacaabay Ku simaha Xoghayaha, aniguna waan kugu raacay sidaasi daraadeed isaga ayaa ahaanaya ku simaha Xoghayaha xisbiga UDUB inta aynu iskaga imanayno haddii ALLE yidhaahdo. Khilaafka xisbiguna yaanu halkaasi dhaafin.”
Gudoomiye xigeenka UDUB Axmed Yusuf Yaasiin oo hogaamiya garab ka mid ah labada garab ee xisbigaasi u kala jabay dhowaan ayaa sheegay todobaadkii hore inuu xilkii ka qaaday ku simaha  xoghayihii xisbiga C/xamiid Maxamed Muuse. Laakiin talaabadaa xilka qaadista waxa ku gacansaydhay masuulka xilka laga qaaday iyo garabka ay hogaamiyaan Cali warancade iyo kooxdiisa, waxayna arrintaasi soo xoojisay murankii iyo khilaafkii labada dhinac u dhexeeyay.
Si kastaba ha ahaatee Qoraalkani wuxuu noqonayaa qaraarkii labaad ee Axmed Yuusuf Yaasiin soo saaro ee uu Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin, isla markaana ah Madaxweynihii horena gebi ahaanba laalo, taas oo muujinay sida hogaankii xisbiga UDUB ula kala saftay labada garab ee isku maandhaafay musharaxnimada xisbiga.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *