Buuhoodle(ANN) Ciidmada Somaliland ee jiida hore ayaa saaka ku waaberiistay magaalada Buuhoodle eek u taala xuduuda ay Somaliland iyo Ethiopia wadaagaan, halkaas oo xarun u ahayd malayshiyada nabadiidka ee SSC.  Wararka hordhaca ah yaa sheegaya inay malayshiyadii ku

 

sugnayd halkaa firdhadeen, mana jirto ilaa hada tiro sax oo iftiiminay khasaaraha ka dhashay dagaalkaa, balse warar ku dhow deegaanka ayaa u sheegay Araweelonews in malayshiyadaa laga qabtay  hub iyo saanad ay haysteen, isla markaana firxadkoodu u carary dhinaca hawdka.
Ciidanka Somaliland ayaa wararku sheegayaan inay sadex askari kaga dhaawacmeen dagaalkaa, balse warar kale ayaa sheegaya in tirada dhaawaca ciidanka qaranka ay yihiin 7, iyadoo aan la sheegin  wax dhimasho ah sida ay sheegayaan tibaaxaha hordhaca ah ee laga helayo deegaanka oo ay adagtahay in lala xidhiidho, iyadoo isgaadhsiinta ay go.antahay.  Wasiirka warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi  Xaabsade ayaa sheegay inay ciidanka qaranka Somalialnd galeen magaalada Buuhoodle oo ay hada ku suagn yihiin. Iydoo  ciidamada qaranka Somaliland degeen dhinacyada magaalada. Kadib markii ay ka caydhiyeen malayshiyadii ku sugnayd deegaankaa ee nabadiidka ahayd.

Afhayeen u hadlay malayshiyadaa ayaa sheegay inay ciidamada Somaliland weerareen saaka aroortii hore magaalada, isla markaana wuxuu xusay inay dhinacooda khasaare dhimasho iyo dhaawacba soo gaadhay, wuxuuna tirada dhimashada ku sheegay dhawr iyo toban qof.


Dhinaca kale magaalada Laascaanood ayaa kooxo dad ahi saaka mudaharaad isugu soo baxeen iyagoo kasoo horjeeda talaabada ciidanka Somaliland ku galeen magaalada Buuhoodle. Balse mudaharaadkaa oo aan khasaare weyn I ka dhalan waxa kala dareeriyay ciidamada booliska eek u sugan laascaanood.
Wararka ka imanaya deegaankaa ayaa sheegaya in magaalada taleex oo koox shirka halkaa ka socday kaga dhawaaqday maamul goboleed  laga jaray isgaadhsiinta.   Sidoo kale Waraka ka imanaya dhinaca deegaanka Taleex ayaa intaa ku daraya inay Tiknikadii malayshiyada  Buuhoodle ee Taleex taalay qorshaynayaan inay u boqoolaan dhinaca Buuhoodle, iyadoo ay hogaaminayaan ergooyinkii deegaanka  Buuhoodle oo gebi ahanba ka baxay shirka. Kadib markii cabsiyi soo waajahday, balse waxay wararku intaa ku darayaan inay adagtahay inay malayshiyada ku sugan Taleex u gudubto Buuhoodle. balse ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya sida ay wax u socdaan. Wixii kasoo kordha arrimahaa dagaalka iyo xaalada deegaanka kala soco Araweelonews.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com    
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *