Hargeysa(ANN) Xukuumadda Somaliland ayaa maanta xabsiga ka sii daysay Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil iyo Muuse Cali Aw Yuuusuf, kuwaas oo falal argagixiso ugu  xidhnaa xabsiga dhexe ee Somaliland oo ku yaala magaalada hargeysa. Labadaa maxbuus  ayaa maanta xoriyadoodii loo soo

celiyay ka dib Madaxweynaha Somaliland  Axmed Siilaanyo cafis u fidiyay.
Sh. Maxamed Ismaaciil oo ah wadaad caan ka ah Somaliland iyo deegaamo soomaalida kaleba ah, waxa uu jeelka Hargeysa ku xidhnaa todobadii sanadood ee la soo dhaafay, iyadoo dabayaaqadii 2004 laga qabtay gurigiisa ku yaala xaafada New Hargeysa oo uu ku haystay goob dadka lagu dabiibo,  halka Muuse Cali Aw Yuusuf isaguna ku xidhnaa muddo lix sanadood ah.
C/Raxmaan Sh. Cumar oo ka mid ah ehelada Sheekh Maxamed Ismaaciil ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in codsigoodii madaxweynuhu ka aqbalay oo xoriyadiisii loo soo celiyay sheekhaa.
“Waxaan rabaa inaan dareenkayga u soo gudbiyo umadda reer Somaliland anigoo ku hadlaya ehelada Sheekh Maxamed Sh. Ismaaciil waxaan mahad naq balaadhan u soo jeedinaynaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) anagoo uga mahad celinayna sii daynta sheekha,”ayuu yidhi C/Raxmaan Sh. Cumar.
Sidoo kale, Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sii dayntiisa. “Waxaan xidhnaa muddo todoba sanadood ah, aad iyo aad ayaan u faraxsan nahay waxaan ugu horayn u mahad naqaynaa ILAAHAY oo fadliga iyo deeqda bixiya, jeelkuna wuu kadeed badan yahay daalna wuu iga muuqdaa waayo muddo badan ayaan caalamka ka maqnaa. Waxa igu haboon inaan u mahad naqo ummadda islaamka ah iyo wixii magacayga yaqaana, cidii xadhigaygu cidhiidhiga ku ahaa iyo cidii ka hawl gashay sii dayntayda, waxaad moodaa inaan u ekahay ilmo yar oo imika soo dhashay oo uurkii hooyadda ka soo baxay mar labaad,”ayuu yidhi Sheekh Maxamed Ismaaciil oo maanta u waramayay laanta afsoomaaliga ee VOA-da, waxaanu intaasi raaciyay “Inshaalaahu waxaan rajaynayaa inaan bilaabo nolol cusub.”
Dhinaca kale Sh. Maxamed ismaaciil ayaa hore loogu xukumay xabsi saddex sannadood ah, balse markii uu madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale cafis u fidiyay koox lala qabtay wadaadkaa oo  ay Somaliland dhaceen qaraxyadii 29 Oct, 2008 ayaa lagu war helay inay qabteen dhinaca muqdsiho oo ay ku biireen kooxda Al-shaabab, waxaana Madaxweyne Rayaale uu ka noqday cafiskaa, iyadoo kooxdii ku hadhay xabsiga loo kordhiyay xukunkii.
Cafiskan ayaa ku soo beegmay maalin ka hor munaasibada sanad guurada 20-aad ee dib ula soo noqoshada Madax banaanida Somaliland oo ku beegan maalinta beri ah, iyadoo si weyn looga dareemayo diyaargarawga abaabulka xuska munaasibadaa oo si weyn u xamaasadaysan gudo iyo debedba, isla markaana amaanka magaalooyinka waaweyn ee dalka aad loo adkeeyay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *