Hargeysa(ANN)Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ayaa si weyn looga dareemayaa xamaasada qabanqaabada iyo diyaargarawga xuska 18 May ee la filayo inuu si weyn  uga dhaco dalka gudihiisa iyo dalal baddan oo qaaradaha aduunka oo qabanqaabadiisa ay ka wadaan muwaadiniinta u

 

dhashay Somaliland ee ku dhaqani. Sidoo kale qabanqaabada iyo diyaargarawga isu soo baxaa ayaa ka muuqda shebekadaha internet-ka ee lagu kulmo.

Dhaqdhaqaaqa iyo diyaargarawga dalka gudihiisa waxa dhinac socda hawlaha amaanka oo aad loo adkeeyay, iyadoo ciidamada qaranka ee kala duwan gebi ahaanba heegankii ugu sareeyay la geliyay, xamaasada xuska sannad guurada 20aad ee kasoo wareegtay  markii ay Somaliland lasoo noqotay madaxbanaanideeda  18 May 1991 shirweynihii Burco ayaa noqonay tii ugu balaadhnayd ee sidan oo kale loogu diyaargaroobo, waxaana cirka isku shareeyay qiimaha calanka Somaliland ee saddexda midab leh oo laga sameeyay maryo garbasaaro itiikaro lagu dhejiyay gaadiidka, bilado, koofiyado iyo waxyaabo baddan oo kale oo lagu buufiyay calanka somaliland oo laga sameeyay.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) ayaa sheegay inay aad u xoojiyeen ammaanka gobolada iyo degmooyinka dalka si ay uga hortagaan falalka cadowga Somaliland ay ku soo hujuumi karaan munaasibada sannad guurada 20-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madaxbanaanida Somaliland oo ku beegan Arbaca fooda inagu soo haysa ee 18-ka May.
Gen. Rooble Fure  wuxuu sheegay in ciidamada Somaliland ay ku filan yihiin sugida ammaanka waxaanu dadweynaha u soo jeediyay inay si nabad gelyo ah ku dabaal degaan,  isla markaana dhegaha ka furaystaan in la cabsi geliyo.wuxuu sidaa  ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa ka dib kormeer isaga iyo Taliye Ku Xigeenkiisu ay ku soo mareen saldhigyada Booliska ee shanta degmo ee caasimada Hargeysa.
“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca ciidanka Booliska Somaliland waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacbiga Somaliland oo aan leeyahay ku raaxaysta dabaal dega la soo noqoshada madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliland, Haddii aanu adduunku ina aqoonsanna ILAAHAY ayaa ina aqoonsan oo waxaynu nahay ummad muslin ah, waana inaynu isku kalsoonaanaa dhulkeenu waa dhul qaydhiin nin walibana wuu ku khasban yahay inuu inoo yimaado,”ayuu yidhi Taliyaha ciidanka Boolisku.

 

 

 

Cilmi Rooble Furre oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Xaga Nabadgelyada warar badan iyo bacayn (cabsi gelin) ayaa jirta dadweynoow ciidanka Booliska, ciidanka qaranka, ciidanka asluubta iyo ciidanka wardoonka Somaliland ee aad leedihiin sidaad horeba ugu seexateen u aaminsanaada, dhulku waa nabad Anagaa indho qudhaano iyo indho libaaxba leh cid soo geli kartaa meel inagama heli karto.”
Taliyuhu wuxuu sheegay in codowga Somaliland ay mar walba ka adkaan doonaa “Waxaan idin leeyahay shacbiyoow anagaa idiin soo jeednee si wanaagsan u ciida, anagaa idiin soo jeednee si wanaagsan u cibaadaysta,”ayuu yidhi Taliyaha Booliska Somaliland.
Dhinaca kale kumanaan gaadiidka yar yar ah ayaa lagu sharaxay calanka somaliland iyo istiikaro lagu daabacay  astaanta calanka, iyadoo ay muuqato xamaasad si weyn looga dareemayo magaalooyinka Somaliland, gaar ahaan magaalada Caasimada Hargeysa, caruurta ayaa waalidiinta khasab kaga dhigay inay u iibiyaan calanka, iyagoo qaarkood ugu hanjabay in aanay xuska 18 May ka hor haddii aanay helin calan aanay tegi doonin iskuulada, balse qaar baddan oo ka mid ah waalidiinta ubadkaa dhalay ayaan awoodi Karin inay calamo u iibiyaan caruurtooda maadaama qiimaha calanku gaadhay qiime aad u sareeya, isla markaana   inta ugu yar ee la iibinayo la siinayo  6000 Sl sh ama lacag u dhiganta $ 1 dollar.  Ujeedad ugu weyn ee laga leeyahay xuskan oo noqonaya kii ugu horeeyay ee sidan oo kale loo abaabulo ayaa ah inay bulshada Somaliland mujtamaca caalamka u bandhigto aqoonsiga ay u leeyihiin ee aduunku ka dhega adaygay labaatankaa sannadood.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *