Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wefti balaadhan oo goob joog ka noqda u soo diray munaasibada sanad guurada 20-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii Madax banaanida Somaliland oo maalinta bari ah si weyn looga xusayo dalka

 

gudihiisa iyo dibadiisaba.
Weftigan ka socda dalka Jabuuti waxa Hoggaaminaya Wasiirkii hore ee Gaashaan dhiga Jabuuti Aougure Kisle, waxaana xubno ka ah Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Jabuuti Jaamac Maxamuud Xayd, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jabuuti Iyo Ganacsato reer Jabuuti ah.
Weftigan waxa madaarka Magaalada Hargeysa ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxaanu xukuumadda jabuuti uga mahad celiyay weftigan ay u soo dirtay inay ka qeyb galaan sannad guurada 20-aad ee dib ula soo noqoshada madax banaanida Somaliland.
Dhinaca  waxa dalka kusoo qulqulaya suxufiyiin ka socda warbaahinta caalamiga ah, iyadoo magaalooyinka  Somaliland  si weyn looga dareemayo qabanqaabada xamaasadaysan ee xuska munaasibada 18-ka May ee maalinta bari dalka iyo dibadiisaba ka dhacaysa waxaana magaalada Hargeysa si weyn kor ugu kacay  calamada,   istiikarada  iyo marooyin lagu soo xardhay calanka qaranka Somaliland oo dadweynuhu kala waayeen, iyadoo gaadiidka yar yar oo lagu sharaxay Calanka iyo istiikaro dhex wareegayaan suuqyada magaalada hargeysa, isla markaana ciidanka amaanka la geliyay heegan culus.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *