Burco(Araweelo News Network) Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga dhigtay Afhayeenka gudida bulshada gobolka Saraar oo Madaxweyne Siilaanyo hore

ugala hadlay tabashooyinka ka dhashay qaabka Madaxtooyadu u maamushay qandaraasyada mashaariicda shirkaddaha doonaya inay shidaal iyo macdan ka baadhaan deegaamada Bariga Somaliland.

Mahad Maxamed Cawaale  oo ahaa Afhayeenka gudida Bulshada gobolka Saraar, isla markaana ka mid ah Odayaasha deegaanka Caynabo, ayaa xabsiga loo taxaabay shalay, isagoo ku sugan magaalada xarunta u ah gobolka Togdheer ee Burco.

Sida ay sheegayaan warar shebekaddaha wararka ee arraweelo.com iyo araweelonews.com, waxa lala xidhiidhiyay tabashooyinka aanay weli xukuumaddu xalka u helin ee ka taagan hawsha  shirkaddaha  xukuumaddu la gashay heshiishyada qarsoon  ee shidaalka iyo macdanta, taas oo sababtay in ay awoodi waayaan inay deeganada Bariga ee gobolada Saraar iyo Sanaag ka bilaabaan hawshooda.

Dhinaca kale xadhiga Afhayeenka ayaa kusoo beegmay iyadoo ay soo baxayeen maalmihii u danbeeyay warar sheegaya in hawsha sahaminta shidaalka oo la rabay in laga bilaabo deegaamada Bariga dib loo dhigay sababo aan si cad loo ogayn.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa hore ula kulmay gudida uu afhayeenka u ahaa Oday Mahad Maxamed Cawaale, wuxuuna waqtigaa garawshiiyo ka bixyay  Madaxweyne Siilaanyo tabashooyinka dadka deegaanku kaga cabanayeen qaabka loo maamulay qandaraasyada shirkadaha  doonayay  inay  hawsha shidaalka ka bilaabaan deegamada bariga Somaliland, balse waxay u muuqataa in aan waxba laga qaban tabashooyinka dadka deegaanka, kuwaas oo meesha ka saaraya in ay wax talaabo ah qaadan shirkaddaha shidaalku.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *