muuqaal1 madarkaHargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta furay Garoonka diyaaradaha ee

 

 

Muuqaalada mdrka6Egal International Airport ee Magaalada Hargaysa. Kadib markii lagu sameeyay dib u habayn iyo casriyan mudo sanad ka badan qaadatay, taas oo qayb ka ahayd mashaariic dawlada Kuwait ku caawisay Somaliland.

Muuqalada Mdrka7Madaxweyne Siilaanyo oo hadal kooban ka jeediyay munaasibada furtiaanta Madaarka ee uu maanta xadhiga ka jaray, waxa uu ku tilmaamay wax lagu farxo oo lagu faani karo dib u dhiska lagu sameeyey garoonka caasimadda ee Egal international Airport, wuxuuna halkaa ka ballanqaaday in xukuumad ahaan ay sii wadayaan dedaalo horumarineed oo uu sheegay in uu madaarka Hargeysa ka mid yahay.

muuqaalka madarka3Madaxweynaha Somaliland waxa uu uga mahadnaqay dawladda Kuwait doorkii muuqda ee ay ka qaadatay hawsha dib u balaadhinta gegida diyaaradaha, sidoo kale wuxuu wasaaradda duulista hawada ku ammaanay sida ay uga soo baxday kaalinteedii waxqabad ee loo igmaday.

muuqaalada mdrka8

Dhinaca kale Wasiirka wasaaradda Duulista iyo HawaddaSomaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka xog-waramay marxaladihii ay soo martay hawsha dib u dhiska iyo casriyaynta gegida diyaaradaha ee Caasimadda Somaliland, wuxuuna sheegay in talaabadani qayb ka tahay horumarkii looga fadhiyey xukuumadda xiligan xafiiska joogta, dhinac kastana ay ka muuqato isbedelka laga sameeyey ee muuqan kara sida Derejada ciidamada la siiyey.

sawirada mdarka5Maxamuud Xaashi waxa ku dooday in dib u balaadhinta Run-Way-ga ay maalgelintiisa lahayd dawladda Kuwiat, xukuumadda Somaliland-na ay ku dartay qaybaha kale ee dhismayaasha cusub, wuxuuna tilmaamay qiimaha ay leedahay midnimo lagu galo hawl kasta oo dalku leeyahay, isagoo xusay inay lama huraan tahay in la isu dulqaato lana wada yeesho iskaashi dhinac kasta si loo gaadho hadafka la tiigsanayo, isla markana looga midho dhaliyo himalada aasaasiga ah.

qaybaha dhis1Munaasabadaa oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay dhismaha madaarka, waxa ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Somaliland, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyayaasha labada gole baarlamaan saleebaan Maxamuud Aadan iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro), xubno ka tirsan golaha wasiirada, wakiilada dalalka shisheeyaha u jogga Somaliland, hawlwadeenada xafiisyada hay’adaha samafalka ee caalamiga ah ee ku sugan Somaliland iyo marti sharaf kale.

munaasibada mdarkaDhanka kalena Wasiirka Arrimaha debeda Maxamed Biixi Yoonis oo maanta dalka dib ugu soo noqday ayaa sheegay in wadanka Kenya uu kulamo kula soo yeeshay safiirada wadamada midowga yurub ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi, kuwaas oo sida uu sheegay u caddeeyey inay soo dhoweeyeen horumarka Somaliland ku talaabsatay ee dhinacyada dimuqraadiyadda iyo nabadgelyada si weyna ay u danaynayeen furitaanka madaarka caasimadda oo uu ku tilmaamay in uu wax weyn ka tari doona isu socodka iyo xidhiidhka ay Somaliland la yeelan karto beesha caalamka.

qaybaha dhis1silanyo iyo omani

 

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *