Hargeysa(Arraweelo News)Wargeyska Hubaal oo ahaa maalinle si madaxbanaan uga soo baxa caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa

xoriyadiisa dib u helay. Kadib markii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka qaaday maanta xayiraadii, isla markaana u fidiyay saamaxaad  xukun hore loogu riday Guddoomiyaha Wargeyska madaxbannaan ee Hubaal Mr. Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) iyo Tifaftiraha wargeyska Mr. Xasan Xuseen Cabdillaahi (Keefkeef), kuwaas oo Maxkamadda Gobolka Hargeysa hore ugu riday xukuno kala duwan, isagoo sidoo kalena madaxweynuhu ogolaaday in xayiraada laga qaado wargeyska Hubaal.

 

Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa 12 June 2013 xayirtay wargeyska madaxabannaan ee Hubaal, iyadoo 3 July 2013 maxkamaddu guddoomiyaha wargeyska Hubaal Mr. Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) ku xukuntay hal sanno oo xadhig ah iyo ganaax dhan hal milyan oo shillinka Somaliland. Sidoo kale  tifatiraha wargeyska Hubaal Xasan Xuseen Cabdillaahi (Keefkeef) lagu xukumay laba sanno oo xadhig ah iyo ganaax dhan 2 milyan oo shillinka Somaliland, balse  4 July 2013 Maxkamadda Racfaanka Gobolka Hargeysa ku sii daysay damaanad.

Wasiirka Warfaafinta Cabdullaahi Maxamed Daahir Cukuse oo ay weheliyaan masuuliyiinta wargeyska Hubaal iyo koox ka socotay saxaafada ayaa saaka Madaxweyne Siilaanyo kula kulmay xafiiskiisa, waxayna Wasiirka Warfaafinta iyo kooxda ka socday bahda saxaafadu mudooyinkii u danbeeyay ku mashquulsanayeen sidii xayiraada looga qaadi lahaa wargeyska Hubaal, taas oo ay ku guulaysteen.

Dhinaca kale Xayiraada Wargeyska Hubaal oo mudo laba bilood ka badan xayirnaa kadi markii xukuumaddu ka gubatay wararka iyo dhacdooyinka uu daabici jiray wargeysku, taas oo sababtay in xayiraad la saaro horaantii Jun 2013, isla markaana ciidamada Boolisku la waregeen xaruntii wargeyska, waxayna Maxkamadda gobolka Hargeysa oo ay ka socotay dawcada la xidhiidhay xayiyaada wargeyska, balse garsooraha kiiska qaadayay 3 July 2013   si lama filaan ah xukun iyo ganaax ugu riday  Gudoomiyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Jaamac Caloolay iyo Tafaftiraha wargeyska Xasan Xuseen Cabdullaahi (Xasan Keef-Keef), kuwaas oo wasiirka warfaafintu ka shaqeeyay sidii damiin loogu sii deyn lahaa, isla markaana ku guulaystay.

Xayiraada Wargeyska Hubaal iyo xukunka lala beegsaday masuuliyiintiisa, ayaa kusoo beegmay, iyadoo aan weli jawaab loo hayn dhacdadii foosha xumayd ee weerar 24 April lagu soo qaaday Xarunta Wargeyska. Kadib markii  laba nin oo Afka soo duubtay, isla markaana ku hubaysan Baastoolado iyo Tooriyo goor caweys habeenimo ah soo weerareen xarunta,  kuwaas oo mid ka ahi noqday Askari Booliska ka tirsan, isla markaana dhaawac u geystay Gudoomiyaha Wargeyska Hubaal,  iyadoo aan dhacdadaa oo ay bulshadu si weyn indhaha ugu haysay  aanay Xukuumadda iyo  Hay’addaha garsoorku jawaab sharci ah ka bixin oo aan weli sharciga la horgeyn dadkii falkaa foosha xun fuliytay iyo kuwii ka danbeeyay midna.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *