Hargeysa(ANN)Xukuumadda  Somaliland ayaa markii u horaysay wefdi  u dirtay Dalka Masar,  kaas oo noqonaya wefdigii ugu horeeyay ee Somaliland  ka socda oo taga dalka Masar labaatnkii sannadood ee lasoo dhaafay, marka laga reebo socdaal uu Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum

Cigaal 1998-kii kusoo maray , isagoo xiligaa kasoo laabtay booqasho uu ku tegey cariga Maraykanka.
Weftigaa  xukuumadda Somaliland u dirtay dalka Masar oo  uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Cabdillaahi Maxamed Cumar oo  ay  ku weheliyaan  Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maanta  ka dhoofay madaarka magaalada Hargeysa.
Ujeedada Socdaalka  wefdiga  ayaa  lagu sheegay inay la xidhiidho iskaashi  dhinaca dhaqaallaha iyo siyaasada. Qoraal saxaafadeed kooban oo kasoo baxay  wasaaradda arrimaha debedda  Somaliland oo lagu sheegay socdaalka wefdigaa ayaa  u dhignaa sidan;-
“Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. Maxamed C/llaahi Cumar oo uu wehelinayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane, Xirsi Xaaji Cali ayaa maanta safar shaqo ugu kicitimay Dalalka Masar iyo Kenya.
Safarkan Wasiiradu waxaa uu ka dambeeyey marti-qaad rasmi ah oo ay Jamhuuriyada Somaliland ka heshay Dawlada dalka Masar, arrimaha ay labada dawladood ka wada hadli doonaan mudada ay wasiirradu ku sugan yihiin wadankaasi waxaa ka mid ah Arrimaha Siyaasada iyo Iskaashiga dhaqaalaha ee labada dal.
Socdaalkan Wasiirrada ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee si rasmi ah Jamhuuriyadda Somaliland ku tagto wadanka Masar tan iyo intii Dawlada uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud xilka la wareegtay.
Dhinaca kale Wasiirrada Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku sii hakan doona mudada ay safarkan ku jiraan wadanka Kenya halkaas oo ay kula kulmi doonaan Diplomaasiyiinta beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay dalka Kenya.” Ayaa lagu yidhi qoraalka.
Dhinaca kale socdaalka wefdiga Somaliland ee dalka Masar ayaa kusoo beegmay  xili dalkaa ay ka jirto qalalaase siyaasadeed. Kadib markii kacdoono ka bilaabmay madaxweyne Xusni Mubaarik oo mudo dheer ka talinayay dalkaa, kaas oo ugu danbayntii xukunka laga tuuray, isla markaana xabsiga loo taxaabay, balse kooxaha kacdoonada wada ayaa mar kale dib u bilaabay kacdoonadaa iyagoo dalbanaya inay Milateriga dalkaa oo xukunka la wareegay yihiin kooxdii madaxweynihii hore. sidaa awgeed aan weli la gaadhin isbedelkii loo baahnaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *