Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xilkii ka qaaday  Maareeyaihii Dekeda Berbera  Axmed Yuusuf Dirir, isla markaana dib u magcaabay Maareeyihii ugu mudada dheeraa ee soo mara Dekedda Berbera Eng. Cali Xoor Xoor.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay maanta xafiiska Madaxtooyada Somaliland , kaas u qornaa sidan:-  “Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay JSL/M/XILQ/249/1-828/122011 Xilkii kaga Qaaday maareeyihii Hore ee Dekeda Berbera, Axmed Yuusuf Dirir.
Waxaanu uga mahadnaqay mudadii uu xilka soo hayey, Hawlihii uu qaranka u qabtay sidoo kale Madaxweynuhu isaga oo Sunaha Dawladnimo raacaya.

Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:                    Ahmiyadda Dekeddu u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo in la dardar geliyo hawlaha Dekedda Berbera;

Markuu Ka Fiirsaday:                 Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:                   In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xooor) laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Dekedda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland.”.
Dhinaca kale qoraal saxaafadeedka laguma xusin sababta xilka looga qaaday Maareeyiha Dekedda oo uu xilkaa u magcaabay markii uu xukunka la wareegay dabayaaqadii sanadkii hore, balse wararka qaar ayaa sheegaya in xil ka qaadista lala xidhiidhiyay musuq-maasuq iyo maamul xumo  ku habsatay dekedda Berbera oo ah meel istiraatiiji, isla markaana ah xarun ganacsi oo muhiim ah, balse magcaabista Eng. Cali Xoor Xoor ayaa si weyn looga soo dhoweeyay magaalada Berbera.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *