Berbera(ANN)Maareeyihii mudada dheer maamulayay Dekedda  mihiimka ah ee Magaalada Berbera Eng. Cali Xoor Xoor  oo maanta Madaxweyne Siilaanyo dib ugu soo magcaabay xilkaa ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Berbera.Magaalada berbera ayaa damaashaad

 

isugu baxday markii ay maqleen magcaabista Eng. Cali Xoor Xoor, iyagoo sameeyay  fantastiye, waxayna boqolaal gaadhi oo wara caleemo qoyan kaga hortageen  magaalada Abdaal oo ka tirsan Degmada Mandheera, taas oo qiyaastii 60 km dhinaca koonfur galbeed kaga beegan Berbera , isla markaana ku taal wadada isku xidha Berbera iyo Hargeysa.

Eng. Cali Xoor Xoor oo lagu gelbinayo boqolaal gaadhi ayaa la geeyay gurigiisa Magaalada Berbera, iyadoo ay boqolaal dadweynaha magaalada Berbera  wadooyinka isugu soo baxeen markii uu soo gaadhay  Magaalada. Weriyayaal ka socday shebekadaha Araweelonews iyo Berbera news ayaa weydiiyay Eng. Cali Xoor Xoor dareenkiisa  iyo sababta dib loogu soo magcaabay, wuxuuna isagoo ka jawaabaya arragtida dareenkiisa yidhi, “dareenkaygu aad ayuu u fiicanyahay, Madaxweynaha iyo wasiiraddii  hawshaa  (magcaabista) kasoo  shaqeeyayna waan u mahad celinayaa. Dadka reer berbera ee ku farxay  magcaabistaydana iyo kuwa isoo dhowaynaya waan u mahad celinayaa.” Ayuu yidhi Maareeye Cali.

Sidoo kale mar la weydiiyay in magcaabista  Maareeyaha Dekedda dib loogu soo celiyay ay tahay iydoo looga maarmi waayay maamulkii dekedda, wuxuu  isagoo dhoolacadaynaya, isla markaana  caleemo qoyan iyo ubax qoorta ay u sudheen qaar ka mid ah dadka watay  boqolaalka gaadhi ee kaga hortegey Abdaal  yidhi, “ Maya  ee  laygama maarmiwaayin ee waa laygartay.”


Eng. Cali Xoor Xoor ayaa xilka kala wareegaya Maareeyihii  uu xilka ku wareejiyay markii ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku guuilaystay  doorashadii Madaxtooyada Somaliland 26 Jun 2010, iyadoo madaxweyne Siilaanyo xiligaa u magcaabay Maareeyaha Dekedda xisaabiyihii hore ee Dekedda  Axmed Yuusuf Dirir, kaas oo uu xilka ku wareejiyay Eng. Cali Xoor  Xoor oo ahaa Maareeyaha Dekedda Berbera  ku dhowaad dhawr iyo taban sanadood ee lasoo dhaafay, marka laga reebo  ku dhowaad laba sanadood iyo dhawr bilood oo uu xilka maamulka dekeda ka maqnaa tan iyo xiligii sagaashanaadkii xukuumaddii marxuum Cigaal. Waxayna tani noqonaysaa markii labaad ee tan iyo mudadaa dib loogu soo magcaabo Eng. Cali Xoor Xoor Maareeyaha Dekedda Berbera, wuxuuna xilka kala wareegayaa masuulkii uu ku wareejiyay sanad iyo afar bilood ka hor. si kastaba ha ahaatee magcaabista mar kale Madaxweyne Siilaanyo usoo magcaabay Dekedda Berbera Eng. Cali Xoor Xoor ayaa u muuqata mid si weyn wax uga bedeshay siyaasadii xukuumadda ee ku waajahnayd gobolka Saaxil oo ay bulshada ku nooli marar badan muujiyeen saluug dhinaca masuuliyiinta Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ee gobolka, taas oo abuurtay dareen hoose oo mucaaradnimo, balse hada magcaabista dib loogu soo magcaabay Eng. Cali Xoor Xoor wax badan durba ka bedeshay rayalcaamkii Bulshada gobolka Saaxil ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *