Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horaysay wefdi u dirtay Dalka Masar, kaas oo noqonaya wefdigii ugu horeeyay ee Somaliland ka socda oo taga dalka Masar labaatnkii sannadood ee lasoo dhaafay, marka laga reebo socdaal uu Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum
Cigaal 1998-kii kusoo maray , isagoo xiligaa kasoo laabtay booqasho uu ku tegey cariga Maraykanka.Weftigaa xukuumadda Somaliland u dirtay dalka Masar oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Cabdillaahi Maxamed Cumar oo ay ku weheliyaan Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maanta ka dhoofay madaarka magaalada Hargeysa.
Ujeedada Socdaalka wefdiga ayaa lagu sheegay inay la xidhiidho iskaashi dhinaca dhaqaallaha iyo siyaasada. Qoraal saxaafadeed kooban oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha debedda Somaliland oo lagu sheegay socdaalka wefdigaa ayaa u dhignaa sidan;-
“Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. Maxamed C/llaahi Cumar oo uu wehelinayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane, Xirsi Xaaji Cali ayaa maanta safar shaqo ugu kicitimay Dalalka Masar iyo Kenya.
Safarkan Wasiiradu waxaa uu ka dambeeyey marti-qaad rasmi ah oo ay Jamhuuriyada Somaliland ka heshay Dawlada dalka Masar, arrimaha ay labada dawladood ka wada hadli doonaan mudada ay wasiirradu ku sugan yihiin wadankaasi waxaa ka mid ah Arrimaha Siyaasada iyo Iskaashiga dhaqaalaha ee labada dal.
Socdaalkan Wasiirrada ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee si rasmi ah Jamhuuriyadda Somaliland ku tagto wadanka Masar tan iyo intii Dawlada uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud xilka la wareegtay.
Dhinaca kale Wasiirrada Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku sii hakan doona mudada ay safarkan ku jiraan wadanka Kenya halkaas oo ay kula kulmi doonaan Diplomaasiyiinta beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay dalka Kenya.” Ayaa lagu yidhi qoraalka.
Dhinaca kale socdaalka wefdiga Somaliland ee dalka Masar ayaa kusoo beegmay xili dalkaa ay ka jirto qalalaase siyaasadeed. Kadib markii kacdoono ka bilaabmay madaxweyne Xusni Mubaarik oo mudo dheer ka talinayay dalkaa, kaas oo ugu danbayntii xukunka laga tuuray, isla markaana xabsiga loo taxaabay, balse kooxaha kacdoonada wada ayaa mar kale dib u bilaabay kacdoonadaa iyagoo dalbanaya inay Milateriga dalkaa oo xukunka la wareegay yihiin kooxdii madaxweynihii hore. sidaa awgeed aan weli la gaadhin isbedelkii loo baahnaa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com