Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa mawqifyo kala duwan iyo weedho  is burinaya kaga jawaabtay talaabada golaha wakiilada Somaliland ku meel mariyeen Arbacadii 9 Nov 2011, oo ay ku  laa’leen diiwaangelinta codbixinta doorashadii madaxtooyada ee dalka ka

qabsoontay 26 jun 2010, iyagoo taa bedelkeedana  go’aanka mooshinkooda ku sheegay in aan wax diiwaan gelin ah lagu gelin doorashada golayaasha deegaanka ee la filayo inay dalka ka qabsoonto.
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa  waraysi uu maanta siiyay Idaacada BBC-da laanteeda Af-soomaaliga  ku sheegay in xukuumaddu ay taageersan tahay in talaabo kasta oo dhiiri gelinaysa in doorashada Goleyaasha deegaanku dalka ka qabsoonto, wuxuuna  si taxadar leh uga hadlay mowqifka xukuumadda ee talaabada golaha wakiiladu ku laa’leen  diiwaangelintii codbixiyeyaasha.
Afhayeenka oo ka hadlayay siyaasada xukuumada ee ku wajahan go’aankii golaha wakiiladdu ku laaleen diiwaan gelintii waxa uu  yidhi,  “Siyaasadda xukuumadduna iyada oo cad waxa weeye  in aanay doorashadda golayaasha deegaanadu wakhtigoodii dhaafin, inay doorashadda golayaasha deegaanku qabsoonto. waayo haddii ay doorashadda deegaanku dib u dhacdo waxay riixaysaa doorashadii golaha wakiiladda oo waxay riixaysaa doorashadii guurtida oo waxay riixaysaa doorashadii Madaxweynaha,”
C/llaahi Cukuse  waxa uu sheegay dib u dhacyada noocaa ah ee soo waajihi kara doorashooyinka  ay keeni karaan, isagoo yidhi, “Dib u dhacyadaasi waxay keeni karaan  sidii dhacday wakhtigii xukuumaddii hore ee dhawrka jeer loo kordhiyey, isla markaana  Madaxwaynaha dhawr goor loo kordhiyo oo Golaha Wakiiladda dhawr goor loo kordhiyo , Golayaasha deegaanaduna oo ay xadkaba ka baxaan.”
“Madaxwaynaha Somaliland iyo xukuumadda uu hogaaminayaa waxay siyaasad cad ka leeyihiin qabsoomida doorashooyinka golayaasha qaranka oo ay waliba wakhtigoodii ku dhacaan, waxaananu ku adag nahay in doorashooyinkii wakhtigoodii dhacaan,”ayuu yidhi Mr. Cukuse.
“Xukuumaddu waxa ay jeceshay in doorashadda golayaasha deegaanka in lagu galo diwaangalintii diyaarka ahayd ee taalay oo waliba wakhtigeeda  oo ay dhacdo, haddii la waayo oo golaha wakiilada,  ama guurtideenu dan u moodaan inay doorashadiina wakhtigeedii dhacdo diwaangalin la’aana lagu galo anagu xukuumad ahaan waxba kama qabno,”ayuu yidhi afhayeenku.
Balse isagoo weli sharaxaad ka bixinaya mawqifka xukuumadda Af-hayeenku, wuxuu carabka ku dhiftay inay xukuumaddu diidan tahay in diiwaangelin  cusub la sameeyo, taas oo uu ku dooday inay keenayso dib u dhac dhinaca doorashada. Laakiin wuxuu dhinaca kale  u carab laaladiyay talaabada golaha wakiiladu ku laal’leen diiwaangelintii hore oo ku tilmaamay mid ay xaq u leeyihiin, isagoo arrimahaa ka hadlayana  wuxuu yidhi,  “Danta ugu wayn ee xukuumadu leedahay waa in doorashadda golayaasha deegaanku ay wakhtigeedii ku dhacdo, waxa kaliya ee ay xukuumadu diidan tahay waxa weeyi in la yidhaahdo imika diwaangalin cusub ha la bilaabo oo doorashadda deegaanku wakhtigeedii dib ha uga dhacdo, sidaa awgeed haddii dayaxa la waayo xidigaha ayaa lagu gudayaa, Hadii golaha wakiiladu u arkay in diwaangalintii hore khaladaad ku jiro oo madmadaw ku jiro taasi waa mid ay xaq u leeyihiin.” Ayuu yidhi  Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland.
Hase yeeshee Wasiirka Duulista  Hawada iyo Gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa waysi uu  siiyay shalay telefishanka madaxa bannaan ee HCTV ku sheegay  inuu si weyn uga soo horjeedo  go’aankii  ay mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland  meesha kaga saareen diwaangelintii dalka ka dhacday dabayaaqadii sannadkii 2008-dii iyo horaantii 2009-kii , taasoo ahayd mid sababtay muran dhaliyay qalalaase siyaadeed oo  u dhexeeyay xukuumada talada haysay ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin  iyo xisbiyada Kulmiye iyo UCID oo wakhtigaas ahaa  isbahaysi mucaarad ah. Kadib markii kooxdii xukuumaddii waqtigaa ee Daahir Rayaale ku dooday in natiijadii diiwaangelintaa  la tuuro oo lagu galo doorashada diiwaan gelin la’aan, balse lagaga awood roonaaday markii cadaadis kaga yimi dawladihii reer galbeedka ee dhaqaallaha ku bixiyay iyo axsaabta mucaaridku ganafka ku dhifteen.
Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu wareysigaa  ku sheegay  in golaha xukuumadu   ay ka wadahadli doonaan arrintan oo uu ku tilmaamay mid khatar ah oo dalka gelin karta  khilaaf siyaasadeed  oo waxyeelo u gaysan karta xasiloonada wadanka.
“Anaga iyo beesha caalamkuba diwaangelinta la laa’lay dhabarka ayaanu u jeedinaynaa  oo yeelimayno, waxay keeni kartaa khatar oo waxay wax  u dhimaysaa nabada, maxay ku badelayaan diwaanglintii la laa’lay?” ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.
Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata inaanu jirin mawqif cad oo xukuumaddu ku waajahayso tallaabada golaha wakiiladu ku laa’leen diiwaangelinta codbixintii doorashada madaxtooyada iyo mooshinkooda xanbaarsan in aan wax diiwaangelin ah lagu gelin doorashada golayaasha deegaanka. Waxayna dhawaaqyada is burinaya iyo jawaabaha kala duwan ee masuuliyiinta xukuumadda kasoo baxay u muuqdaan kuwo is burinaya oo aan lahayn mawqif iyo ujeedo siyaasadeed oo qeexan oo ku wajahan mooshinka golaha wakiilada ee lagu laa’lay diiwaangelinta doorashadii madaxtooyada ee 26 Jun 2010. Dalka ka qabsoontay, taas oo tacab baddan iyo juhdi dhaqaalle malaayiin dollar ahi kaga baxay bulshada Somaliland iyo dalalka galbeedka ee taageera nidaamka geedi socodka doorashooyinka iyo dumuqraadiyada Somaliland. iyadoo la rumaysan yahay in qaabka diiwaangelin la’aanta oo lagu galo doorasho inaanu ahayn mid ka suurta gelaya Somaliland waqtigan, isla markaana uu meesha ka saarayo nidaamkii dumuqraadiyada iyo doorashooyinka ku dhisan xornimada iyo xalaasha ee inadhaha caalamka ay Somaliland kusoo jiidatay, isla markaana ku kasbatay amaan iyo bogaadin baddan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *