Hargeysa(ANN) Saaka subaxnimadii hore ayay wadooyinka magaalada ku waaberiisteen ciidamada amaanka  oo baadhitaano ku samaynaya gaadiidka kala duwan. Kadib markii ay soo baxeen abaabulo mudahaardyo loo balansanaa oo lagaga soo horejeedo go,aanka golaha wakiiladu ku laaleen

 

diiwaangelintii codbixinta ee doorashadii u danbaysay, isla markaana soo saareen inaan wax diiwaan gelin ah lagu gelin doorashooyinka soo socda ee golayaasha deegaanka.
Inkasta oo ay ciidamada amaanku isku dayeen inaanu dhicin mudaharaad, hadana kooxo dhalinayaro ah oo sita boodhadh ay ku qoran yihiin  halku dhegyo lagu diidan yahay go’aankaa ayaa saaka iyagu ku waaberiistay xarunta dhismaha Baarlamaanka Somaliland, waxaana loo dalbaday dhalinayaradaa ciidanka Booliska ee SPU, kuwaas oo boodhadhkii ka ururiyay, isla markaana kala dareeriyay.
Hase yeeshee ma jirin wax dhibaato ah oo ka dhashay mudaharaadkaa, balse kooxaha dhalinayarada ah ayaa sheegay inay sii wadayaan mudaharaadka oo aanay joojinayn ilaa inta golaha wakiilada go’aankoodu meesha ka baxayo. Sidoo kale waxay dalbadeen in gebi ahaanba la kala diro golaha wakiilada oo ay ku eedeeyeen inay yihiin kuwo khiyaamo qaran iyo khalkhal go’aamadoodu ku salaysan yihiin.
Wixii kasoo kordha kala soco Araweelonews.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *