Nairobi (ANN)Dawlada Kenya ayaa ka codsatay dalka Israel inay ka caawiyaan sidii ay ugu guulaysan lahaayeen dagaalka ay kula jiraan kooxda Islaamiyiinta  Al-shabaab ee Somalia.  Raysal wasaaraha dalka Kenya Riyala Odinga oo booqasho ke tegey Israel ayaa kulan ay kaga wada hadleen arrintaa

la yeeshay Madaxweynaha  dalka   Israel Shimon Bares.
Kulankaa ay Kenya kaga dalbatay dalka Israel  taageerada Milateri ee ay u raadinayso dagaalka ay kula jirto Al-shabaab ayaa la sheegay inay aqbashay Israel oo ay ka dib markii uu Madaxweynaha Isarel, Shimon Peres, uu wadahadal kula yeeshay magaalada Quddus.
Saraakiil kenyan ah  ayaa sheegay  in Isarel ay ballan qaadday inay Kenya ka gargaarto wax kasta oo ay u baahan tahay si ay u sugto ammaankeeda gudaha.
Ciidamada Kenya ayaa  galay  Somalia bishii hore ee Oct, 2011 , kadib markii ay  ku eedeysay Al -Shabaab inay ka dambeysay afduubyo dhowr ah oo ka dhacay dalkeeda gudihiisa, balse duqaymo markaa ka dib diyaaradaha Kenya ka fuliyeen gobolada jubooyinka waxay geysteen khasaare, iyadoo goobaha ay duqeeyeen ay ku jireen xeryo qoxooti oo barakacayaal ku jireen.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *