Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horaysay tiradii ugu badnayd ee Arday deeq waxbarasho dalal kale ugu baxaya  isugu keentay xarunta Imtixaanaadka qaranka ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay saaka kasoo xaadireen 300 oo Arday oo ka baxay dugsiyada dhexe ee

 

dalka, kuwaas  maanta u fadhiistay tartan imtixaan oo lagu kala saarayo, iyadoo tirada sadexdaa boqol laga doonayaa ee waxbarshada loo hayaa yihiin  200 arday oo deeqo waxbarasho ka helay waddamada Turkiga, Masar iyo Suudaan.
Xaflad loo sameeyay imtixaanka lagu xulayo ardaydan oo lagu qabtay xarunta imtixaanaadka guud ee qaranka waxaa ka qayb galay Wasiirk ku xigeenka wasaaradda waxbarashada , guddoomiyaha gobolka Maroodi Jeex iyo guddoomiyaha xafiiska guud ee imtixaanaadka qaranka.
Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada Cali Xaamud Jibriil oo xafladaa ka hadlay ayaa sheegay in siyaasadda wasaaraddu ay ku qotonto si ardayda ka baxda dugsiyada sare iyo hoose dhexe ay u heli lahaayeen deeqo waxbarasho oo dalka dbeddiisa ah, tanina ay qeyb ka tahay dedaalka ay ugu jiraan ka midho dhalinta fursadaha waxbarasho ee ay inagu caawiyeen dalalka Dibaddu.
Sidoo kale guddoomiyaha xafiiska imitixaanaadka guud ee qaranka Daa’uud Axmed Faarax ayaa tafaasiil ka baixiyey deeqdan waxbarasho, isagoo sheegay in seddexdan boqol ee ardayda ah ee imtixaanka u fadhiisatay laga soo saari doono laba boqol oo arday oo deeq waxbarasho lacag la’aan ah ku tagi doona wadamada Turkiga, Masar iyo Suudaan, taas oo uu ku tilmaamay inaanay hore u dhicin in arday dugsiyada dhexe kasoo baxay ay deeq waxbarasho helaan.
Waxe kale oo guddoomiyuhu intaa  ku daray in maalinta Khamiista ilaa laba boqol oo arday oo dugsiyada sare ka baxay ay imtixaan kan oo kale ah u fadhiisan doonaan, kuwaas oo iyana deeq waxbarasho la siinayo.
Daa’uud Axmed Faarax mar uu ka hadlayey qaabka ay u soo xuleen ardaydan, waxa uu sheegay inay qaabka ay kusoo xuleen  ahayd in imtixaanaadka shahaadiga ahaa ardaydii ugu darajada saraysay laga soo saaro tiradaa, si imtixaan looga qaado, isagoo waalidiinta ardaydana u soo jeediyey inay u hogaansanaadaan qawaaniinta xafiiska imtixaanaadka.
Guddoomiyaha gobolka Hargeysa Axmed Cumar Xaaji C/llaahi Xamarje oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dha weeyey deeqda waxbarasho ee loo helay ardayda ka baxday dugsiyada dhexe ee dalka, Waxaanu ku tilmaamay mid lagu farxo, maadaama arday tiradoodu badan tahay ay deeq waxbarasho ka heleen dalal waaweyn oo debedda ah.
Dhinaca kale talaabadan ayaa noqotay mid ay si weyn ugu farxaan waalidiinta iyo Ardaydu, iyadoo aanay marnaba soo marin intii ay Somaliland jirtay in tiro intaa leeg loo helo waxbarasho debeda ah oo ay bixiyaan wadamo waaweyn, sidoo kalena qaabka loo maamulay ee imtixaanka tirada ardaydaa ayaa noqday mid ay soo dhoweeyeen aradayda iyo waalidiintu, taas oo ay ku tilmaameen mid meesha ka saaray qaabkii hore ee loo maamuli jiray mar la helo koorsooyin waxbarasho haba yaraadeene, balse waxay sheegeen qaarkood inay ka dhursugayaan natiijada ay ku dhamaato sida loo maamulay hawshaa ee quruxda badnayd.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *