Berbera (ANN) Ciidamada  Booliska ee xarunta gobolka Saaxil ee  Berbera, ayaa gacanta ku dhigay sarkaal mihiim ah oo lagu eedaynayo inuu ka tirsan xarakada Al-shabaab ee lala xidhiidhiyo Ururweynaha Al-Qaida, kaas oo shalay subax laga qabtay Afaafka hore ee laga galo dekeda, isla markaana si

deg deg ah  xabsiga loogu taxaabay.
Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Saaxil C/raxmaan Maxamuud Ibraahim, ayaa  maanta Saxaafada u sheegay inay  gudaha Magaalada Berbera ku qabteen ninkaa oo  la rumaysanyahay  inuu ka tirsan yahay Al-shabaab. Waxaanu u mahad celiyay ciidanka Booliska ee ku guulaystay qabashadiisa.
Taliyaha qeybta Booliska Saaxil waxa uu uu ka gaabsaday inuu sheego  magaca ninkaa la qabtay oo  baadhis qoto dheer ay ku hayaan Ciidanka Boolisku. Waxaanu sheegay  inay hor geynayaan maxkamadda gobolka Saaxil, isla markaana wuxuu  shacbiga gobolka Saaxil ka dalbaday inay Booliska gacan ka  siiyaan wixii ay u arkaan inay halis gelin karaan ammaanka gobolka iyo dalkaba.

Dhinaca kale warar arrintaa la xidhiidha oo shebekada Araweelonews ka heshay meelo kala duwan ayaa sheegay in Ninka la qabtay oo ah xubnaha saraakiisha mihiimka ah ee u dhashay Somaliland ee ka tirsan Al-shabaab uu kasoo jeedo deegaanka Hargeysa, isla markaana ilaa inta la ogaaday ay wada socdeen xubin kale oo ka tirsan kooxdaa lagu arkay salaadii cishaa’I ee habeen hore Masjid ku yaala magaalada Berbera, balse la waayay markii laga war helay. Laakiin subaxnimadii ninkaa  laga qabtay Afaafka hore ee irida laga galo Dekeda, isagoo doonayay  inuu galo gudaha, balse albaabka laga soo celiyay oo qorshaynaya inuu mar labaad isku dayo inuu galo, waxaana wax yar ka dib ugu yimi goobtaa ciidamada Boliska sida ay wararkaasi u sheegeen Araweelonews, iyadoo sida ay ila wareedyadaasi sheegayaan aan ilaa hada lahayn ninkii ay wada socdeen  oo Boolisku ku daba jiraan.
Sidoo kale wararkaa ayaa sheegaya in baadhsita lagu bilaabay ka sokow aanay ciidamadu weli ogaan tirada dadka la socday ninkaa iyo  ujeedada qorshohooda, balse ciidamada  amaanka Somaliland ayaa maalmihii u danbeeyay la geliyay heegan, kuwaas oo baadhitaano dheeraad ah ka bilaabay wadoyinka iyo gaadiidka. Kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inay kooxo ka tirsan Al-shabaab usoo talaabeen dhinaca Somaliland.   

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *