IMG_1789Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa kulan xogwaraysi  ah kula yeeshay xubno ka socday  dallada Ururada aan dawliga ahayn ee loosoo gaabiyo (SONSAF). Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska madaxtooyada kulankaa kadib, kaas

oo u qornaa sidan:-
“ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamauud (Siilaanyo) waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada kulan is-xogwaraysi ah kula yeeshay Ururada aan dawliga ahayn ee Somaliland Non State Actors Forum (SONSAF).

Ugu horayna Gudoomiyaha SONSAF Mr. Aadan Xaaji Cali Axmed oo kulankaasi ka hadlay ayaa Madaxweynaha uga waramay waxqabadka iyo ujeedada ururkan loo aasaasay.

IMG_1798
Waxa kale oo ay SONSAf balanqaadeen inay la yeeshaan wada shaqayn xukuumada oo ay ku taageeri doonaan waxqabadka ay u hayso bulshada, maadaama ay metelaan dhamaan qaybaha kala duwan sida Madax-dhaqameedyada, Culimo-awdiinka, xirfadlayaasha (sida Jaamacadaha, Ururada Dhakhaatiirta, Ururada Saxaafada, Ururada Qareenada), ganacsatada, iyo ururada bulshada Rayidka ah.
Waxa kale oo ay SONSAF u gudbiyeen Madaxweynaha nuqul ah xeerka ururka sonsaf, warbixin ku saabsan daraasad laga sameeyay doorashooyinkii dalka ka dhacay 10-kii sano ee u dambeeyay iyo warbixin ku saabsan kormeerayaashii maxaliga ahaa ee ilaalinayay doorashooyinkii Madaxtooyada ee 2010-kii.
Madaxweynuhu waxa uu dhinaciisa u sheegay inay ururada bulshadu door muhiim ku leeyihiin waxqabadka iyo horumarka dalka, isaga oo ku dhiiri-geliyay inay mar walba ilaaliyaan Qaranka Jamhuuriyada Somaliland maadaama ay tahay Arin Qaranku ku heshiiyey oo lamataabtaan ah cadaw fara badan oo lidi ku ah jiritaanka Somaliland-na uu jiro.
Waxa kale oo Madaxweynuhu soo dhaweeyay ururka SONSAF una balanqaaday inay wada shaqayn joogto ah la yeelan doonaan, wixii taageero ahna siin doonaan ka xukuumad ahaan.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay kulanka madaxweynaha iyo dalada  jilayaasha aan dawliga ahayn oo ah dalada  ururada bulshada Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *