Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa wakiillo cusub u magacaabay todoba dal oo adduunka ku kala yaalla. Sidaana waxa shaaciyay qoraal kasoo baxay maanta Wasaaradda Arrimaha Debedda Somaliland, kaas oo u dhignaa sidan;-

 

“Ka dib markii la tixgaliyay baahida qaran ee loo qabo in la kobciyo xidhiidhka ay dawladda Somaliland la leedahay bulshada caalamka, lana qiimeeyay inay daruuri tahay in la dardargaliyo ka midha dhalinta himilada aqoonsiga ee Somaliland, waxaa loo magaacaabay dadka hoos ku qoran inay noqdaan Wakiillada Xukuumadda Somaliland ee wadamada soo socda iyadoo la eegay xirfadooda, waayo aragnimadooda iyo aqoontoodaba.

 

1.     Aden Nuux Dhuule                      Wakiilka Somaliland ee Itoobiya

2.     Prof. Maxamed Xirsi Qalinle          Wakiilka Somaliland ee Jabuuti

3.     Maxamed Axmed Nuur                Wakiilka Somaliland ee Kiiniye

4.     Axmed Cumar Sangoore              Wakiilka Somaliland ee Ingiriiska

5.     Rashid Nuur Gaaruf                     Wakiilka Somaliland ee Maraykanka

6.     Xasan Mawliid Axmed                  Wakiilka Somaliland ee Faransiiska

7.     Cali Maxamed Axmed                  Wakiilka Somaliland ee Yemen
Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta Digreeto ku soo saaray dhaqan galka Xeerka Ururada aan dawliga ahayn. Ka dib markii ay dhowaan mudanayaasha labada aqal ee guurtida iyo wakiiladu codad aqlabiyad ah ugu meel mariyeen ee u gudbiyeen Madaxweynaha.
Digreetada Madaxweynuhu soo saaray maanta ee dhaqan gelinta Xeerkaa ayaa qoraalkeedu u dhignaa  sidan:-
“Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) Waxa uu maanta Digreeto Madaxweyne oo Number- keedu yahay No: 0082/112010 ku Dhaqan-galka Xeerka Lr.43/2010 ee Ururada Samafalka aan Dawliga ahayn.
Waxaanu Madaxweynuhu Digreetadiisa ku yidhi:-
Markaan Arkay: Qodobka 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Wakiiladda JSL ee Summaddiisu tahay GH/KF-13/502/2010 EE 02/10/2010,
Markaan Arkay: Qodobka 75-aad ee Destuurka Jamhuuriyada Somaliland.
Waxaan Soo Saaray,
Dhaqan-galka Xeer No: 43/2010 ee Ururadda Samafalka aan Dawliga ahayn oo lagu baahin doono faafinta rasmiga ah.”

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *