Hargeysa(ANN)Masuuliyiin ka socotay Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB ayaa sheegay inay doodo kulul ku waajaheen kulankii ay la yeesheen maanta Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia oo booqasho ku jooga Somaliland, kaas oo kulamo

 gooni gooni ah la yeeshay Madaxweynaha Somaliland, Shirgudooonada Labada Golle iyo Masuuliyiinta Xisbiyada qaranka.  
Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha siyaasada ee xisbiga UDUB Cumar Jaamac Faarax ayaa lagu sheegay waxyaabaha ay kala hadleen wakiilka qaramada midoobay iyo doodoo dhexmartay.
Qoraalka masuuliyiinta UDUB kasoo saareen kulankaa kadib  oo ay su’aalo badan ku weydiiyeen ayaa u qornaa sidan;-
 
 
“Mr. Mahiga oo ka war bixinayey safarkiisa ayaa sheegay in Koonfurta Somalia ay tahay meel bugta , oo dhibaatooyin ka taagan yihiin, Somaliland na ay tahay meel caafimaad qabta, uma aanu iman halkan inaanu cudurka Somaliya halkan ku soo fidino, waxanu idiinku nimi inaanu dawada cudurkaa wax idiinka weydiino sidii xal loogu heli lahaa koonfurta Somaliya oo ah deriskiina dhow.
Waxa kale oo idinku nimi sidii aanu u kordhin lahayn wax qabadka aanu Somaliland wax la qabanayno, una kordhin lahayn barnaamijyada horumarineed ee Somaliland iyo sidii halkaa ay soo gaadhay aanay dib uga noqon lahayn.
Mar aanu safiirka weydiinay su’aalo dhowr ah ayuu kaga jawaabay sidan hoos ku qoran.
Ma waxad u timaadeen inaad Somaliya iyo Somalialnd u furtaan inay ka wada hadlaan midnimo ka dhalata labada dal. Waxu ku jawaabay “Maya, shaqo kuma lihin haddaad la midoobaysaan Somaliya iyo haddii kaleba, waana arrin u taal Somalida. Muhiimadu maaha midnimo idin dhex marta Somaliya inaanu idinkala hadalo ee waxa weeye sidii aanu idinka caawin lahayn dhinaca siyaasada iyo horumarintaba.
Amabassador Mahiga waxa intaa ku daray “Ama jeclaada ama ha jeclaanina waxa deriskiina ah dal buka oo u baahan in la daweeyo oo xal loo helo.”
Waxanu ku nidhi waxad geysaan cusbitaalo kale sida Nairobi iyo Addis Ababa ee ha keenina Hargeisa. Hadlkaana aad ayuu ugu qoslay.
Mar aanu weydiinay bal inuu wax ka bedelayo siyaasadii ninkii isaga ka horeeyey ee Walad Abdalla oo ku shaqaynayey siyaasada Jaamacada carabta iyo Masar oo qadiyada Somaliland ka soo horjeeda ha ahaato dhinaca siyaasada iyo dhaqaalahaba. Waxa ku jawaabay maya kuma shaqaynayo ee waxii aan la qaban karo Somaliland waan la qabanayaa.
Mar aanu weydiinay bal inay kordhiyaan caawimada ay u fidinayaan Somaliland iyagoo Dawladda Somalia ka taageera dhinacyo badan oo ay ka mid yihhin bixinta mushahaarooyinka Booliska iyo barlamaankaba ayuu ku gaabsaday, waxanu yidhi waxanu kordhinaynaa joogitaankayaga Somaliland oo aanu ku yeelan doono xafiisyo, waxanu kaloo kordhinaynaa mashaariicda  horumarinned, sida ay u kordhinayaan wadamada Maraykanka, reer Europe  iyo Ingiriiska isagoo gaar ahaan u xusay wadamada Denmarka, Sweden iyo Norwey.
Waxanu weydiinay in wufuud badani timaado dalka kana noqoto iyagoo had jeer yidhaahda waxanu eegaynaa xaalada ka jirta dalka ee ma jirtaa wax cad oo aad noo sheegi karto inaad Somaliland la qabanayso. Waxu ku jawaabay amnbassador Mahiga inaanu dawladda ka sugayno inay noo soo gudbiso baahiyaheeda iyo sida ay u kala horinayaan.

Waxanu ambassodoorka weydiinay inay gacan weyn ka geystaan inay dawladda ka taageeraan dhinaca dhaqaalaha, mashaariicda horumarineed, adkeynta nabad gelyada iyagoo tayeynaya Booliska gacanta ka geysanaya mashahar siinta,  iyadoo ay koobaan dhaqaalaha wadanka soo gala.
Ugu danbayntii waxanu weydiinay inay halkan u yimaadeen shir lagu qabanayo Kampala Uganda inay ku doonayaan in Somaliland ka soo qayb gasho, waxuna sheegay in shirkaasi yahay mid lagaga hadlayo budhcad badeedka ee aanu siyaadad shaqo ku lahayn.” Sidaa waxa lagu soo gunaanaday qoraalka ay Xisbiga mucaaridka ee UDUB, kaga hadleen doodii  ay is weydaarsadeen masuuliyinta xisbigaa ee la kulmay wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia.
Dhinaca  kale Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay xoghayaha guud ee xisbiga UCID  Muuse X. Maxamed Guuleed (Inji) ayaa lagu faahfaahiyay nuxurka kualankii ay masuuliyiinta  UCID la yeesheen wakiilka qaramada midoobay, kaas oo u qornaa sidan:- “Xisbiga UCID kulan ay la yeesheen Ambassador Mehiga maanta oo ay taariikhdu tahay 11/11/2010 kulankaas oo uu Hogaaminayeey ku Simaha Gudoomiyaha Xisbiga UCID isla markaana ah Gudoomiye ku Xigeenka 1aad Md Aadan M Mire Waqaf waxaana wehlinayeey Gudoomiye ku Xigeenka 2aad Md Axmed Xuseen Fagfagaash iyo Xoghayha Guud Md Muuse Xaaji Maxamed Guuled (Muuse Inji) oo ay kula yeesheen huteelka Ambassador waxay ka soo saareen Qodobada soo socda oo ay kala hadleen.

1. Gooni Isutaaga Somaliland:-

Ergeyga wuxu Xisbigu u cadeeyay in Somaliland ay tahay wax muqadas ah oo aan gorgortan lahayn, waxaan ku adkeynay in habka Jimciyada Qaruumaha ka dhexeysaa ay ula macaamisho Somaliland ay wax ka badasho iyagoo ixtiraamaya aftidii daweynaha Somaliland ay ugu codeeyeen boqolkiiba todoba iyo sagaashan (%97) gooni isku taagooda iyo la soo noqoshada xoriyadoodi.

Waxa Xisbigu u sheegay Mr Mehiga in Xisbi ahaan iyo ummad ahaan aanay u dulqaadan doonin in la simo ummad wax qabsatay, aayahoodina ka tashaday iyo meel aan waxba ka jirin oo labaatan sano la dhoodhoobayey.

Waxa uu Mr Mehiga noo cadeeyey inaanu u socon qadiyada mideynaysa Somaliland iyo Somaaliya balse halkaas ka sheegay in kor loo qaadayo shaqada xafiiska UN-ta, waxna ka qabanayaan horumarka iyo dhismaha Somaliland.

1. Qaxootiga:-

Waxaa kale oo aan kala hadalnay in dadka ka soo qaxay Soomalia oo iyagu ay u yaqaanaan Barakacayaal yimid dalkoodi (IDP’s) aanay ahayn arrin daw ku ah Somaliland, noolana mid yihiin Qaxootiga ka yimaada dalalka dariska aan nahay. Arrintaasina culeys weyn ayay ku haysa dhinaca dhaqaalaha, caafimaadka, shaqooyinka iyo nabadgelyada.

Sidaa daraadeedna waa inay UN-tu u aqoonsato qaxooti oo la diiwaangeliyo si aan u sugno tirada mar kasta nala joogto iyo ilaalinta xoqooqdooda qaxoontinimo. Waxaanu Mr Mehiiga balan qaaday in arrintaas kala hadli doono UNHCR sidii wax looga qaban lahaa.

Xisbiga UCID wuxuu cadayn ka rabaa Xukuumadda Somaliland sifaha uu ku joogo Cismaan Jamac Cali (Kaluun), oo ah nin si weyn ugu ololeeya midnimada Somaliweyn kana soo horjeeda gooni isu taageena oo ilaa hadda, aan cadayn in uu ka tanaasulay iyo waxa iska bedelay xeerkii loogu talagalay dadka u dhashay Somaliland, ee xilalka ka soo qabtay xukuumaddaha Somalia ee ka soo horjeeda gooni isutaaga Jamhuuriyadda Somaliland.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay xisbiga mucaaridka ee UCID.
 
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *