Hargeysa(ANN)Shirgudoonka Gollayaasha Wakiilada iyo Guurtida ayaa maanta kulan waqti kooban qaatay la yeeshay Weftiga Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia Augostine Mahiga, oo socdaal laba maalmood ah shalay ku yimi Caasimada Hargeysa.

Kadib markii uu saacado kooban ku sugnaa xarunta maamulka Puntland ee Garoowe. 
Mr. Augostine Mahiga ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay socdaalkiisa Somaliland, isagoo  tilmaamay inuu kala hadlay shirgudoonka Gollayaasha Baarlamaanka Somaliland arrimo badan oo ay ka mid yihiin in Qaramada Midoobay kor u qaado horumarinta mashaariicda samo-falka. Waxaanu sheegay inuu mudadii uu dalka ku sugnaa uu ku arkay nabadgelyo iyo dadweynaha oo illaa saacadaha dambe si caadi ah u wata Ganacsigooda.
Sidoo kale wuxu ka dhawaajiyay in shir caalami ah oo dhowaan lagaga hadlayo sidii loo kobcinlahaa adeegyada aasaasiga ah, hurumarka dumuqraadiyada  iyo xoojinta nabadgelyada lagu casuumay Somaliland. Shirkaa oo sida uu sheegay daba socda shir ay hore beesha caalamku bishii May ee lasoo dhaafay ku qabteen Turkiga, kaas oo aanay Somaliland ka qaybgelin, balse lagu casuumay, wuxuuna sheegay in shirkan qorshihiisa la wado beesha caalamku danaynay inay Somaliland ka qaybgasho, maadaama sida uu sheegay ay Somaliland soo jiidatay indhaha beesha caalamka. 
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo kulnakaa ka dib  Saxaafada u waramayay ayaa sheegay inay weftigaa  ku canaanteen sababta aanay Somaliland Aqoonsi u helin ee ay isaga indha tirayaan qadiyada madaxbanaanida Somaliland, isagoo yidhi,  “Arrinta Aqoonsiga waanu ku canaanaynay waxaanu noo sheegay inuu iska iman doono maadaama oo beeshii caalamku ay bedeleen habkii ay ula dhaqmi jireen Somaliland.waxaanu u sheegnay in wax laga qabto dhibaatada Puntland ku hayso Somaliland Anagu wax dhibaato ah kuma hayno,”ayuu yidhi Md. Saleebaan Maxamuud Aadan.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro) ayaa isaguna sheegay inay weftigan uga warameen xaalada nabadgelyo iyo Dimuqraadiyada.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in weftigu ay sheegeen inay Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay ay u gudbin doonaan warbixino badan oo waxtar siyaasadeed u leh Somaliland.
Sidoo  kale Wakiilka Xoghayaha qaramada midoobay, wuxuu kulan albaabadu u xidhnaayeen la yeeshay Madaxweynaha Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabilay xalay.
Wakiilka oo socdaalkiisu yahay kii ugu horeeyay ee uu ku yimaado Somaliland tan iyo markii xilkaa loo magcaabay dhowaan ayaa booqashadiisa lagu sheegay inay qaadan doonto laba maalmood.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *