Hargeysa(ANN) Xukuumadda Somaliland ayaa wada qorshe si ku meelgaadh ah loogu xidhayo madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa, kaas oo  la doonayo in dib u habayn balaadhan lagu sameeyo sidaana waxa shaaca ka qaaday

 

 

Wasiirka duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.

Wasiirka duulista iyo masuuliyiin ka tirsan Ha’yadaha UNDP iyo ICAO oo shalay kormeer ku soo maray madaarka degmada Kala-baydh ee Gobolka Gabilay, ayaa  sheegay inay  madaarka Kala-baydh oo ay dib u furayaan ay rajaynayaan inuu noqdo madaar isku xidha ganacsiga dalalka Somaliland iyo Itoobiya. Kaas oo uu xusay inay dib u furista  madaarka Kalabaydh uu kaalin weyn ka qaadan doono dhaqaalaha dalka, isla markaana mudada dib u habaynta laga wado madaarka hargeysa la isticmaalayo madaarka Kalabaydh.  

“Waxaan uga mahad celinayaa Guddoomiyaha Gobolka Gabilay, Maayarka Gabilay iyo taliyaha booliska gobolka. Ma aha markii u horryasay ee aanu nimaadno madaarka Kala- baydh intii xukuumaddan cusub ee xisbiga KULMIYE ay tallada dalka haaneeday, waxaanu hore u qiimaynay baahiyaha madaarkan inaanu furnana way naga go’nayd waxa maantana nala socda masuuliyiin ka tirsan Ha’yadaha UNDP iyo ICAO. Anagoo uga mahad celinayna UNDP iyo ha’yadaha kale ee Qaramada Midoobayna hawsha ay ka wadaan Somaliland. Waxay tahay inaanu isla eegno sidii madaarka Kala-baydh loo furi lahaa, isla markaana aanu qalabka uu u baahan yahay isla wada eegno.waxaanay hawshu noqon doontaa wax Hayadaha UNDP iyo ICAO qabtaan, wax wasaaradda duulistu fuliso iyo wax maamulka gobolka Gabilay lagula soo ciiraba. Siyaasadda xukuumaddan ayay tahay in aan la sugin gacmo shisheeye oo bulshadeenuna wixii ay qabsan karaan lagu dhiiri geliyo inay qabsadaan,” ayuu yidhi; wasiirka duulista hawadu.

Mr. Maxamuud Xaashi wuxuu sheegay in dhawaan madaarka Hargeysa la xidhayo si dayactir balaadhan looga hirgeliyo si diyaaradaha xajmiga waaweyni u soo faadhistaan, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Madaarka Hargeysa waxa laga yaabaa in wakhti dhow la xidho, waayo waxa laga samaynayaa dhabbo cusub (run way) si diyaaradaha waaweyni u soo fadhiisan karaan. Madaarka caasimadda aad ayay xukuumaddani isha ugu haysaa waxa ka bilaabmaya mashuruuc aad u weyn oo dayactir ah, marka uu madaarkaasi xidhmo madaarkan Kala-baydh wuxuu noqonayaa kii u dhowaa Hargeysa ee beddeli lahaa hawshiisii.”

“Marka horeba waxaanu doonaynay in madaarkan Kala-baydh uu noqdo malko ganacsi, maadaama oo uu u dhow yahay xuduudka ay Somaliland la leedahay, waddadii laamiga ahaydna ay u dhowdahay waxaanu ku rajo weyn nahay in madaarkani noqdo mid istaraatajiya,”ayuu yidhi Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka.

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay saraakiil ka tirsan hayadaha UNDP iyo ICAO waxaanay sheegeen inay kaalin ka geysanayaan qorshaha ay wasaaradda duulista hawaddu ku doonayso inay dib ugu furto madaarka dabiiciga ah ee Kalabaydh ee gobolka Gabilay.

 By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *